Warbixin Ka Hadlaysa Qaabkii Loo afduubay Lamaanihii Ingiriiska ahaa Iyo Madaxfursho La Dalbaday
Nairobi(MMedia) Warar soo baxaya waxa ay sheegayaa in maamulka Alshabaab ee Kismaayo ay dowladda Ingiriiska ka dalbadeen madaxfurasho haddii la doonayo in la siidaayo haweeney Britishka ah oo daraad laga afduubtey Lamu agteeda.
Police-kaKenyaayaa xalay qabtay ninKenyau dhashay oo looga shakisanyahay in uu hagayay raggii hubeysnaa ee weeraray cariishkii ay degenaayeen lamaanaha Britishka ah ee midna la diley midna la afduubtey.
Illo wareedyo Police-ka ka agdhow waxa ay sheegeen in ninkani la qabtay uu ka shaqayn jirey hoteelka uu falka ka dhacay, kadibna uu mar u safray Kismaayo halkaasuu kaga midnoqdey Alshabaab.
Doonidii lagu afduubtey xaaska ninkii la diley oo ahaa qoraa sare oo Ingiriiska caan ka ah ayaa la sheegey in meeshii ugu horeysey ee ay tagtey ay ahayd magaalada Raaskaanbooni kadibna, gabadha loosii gudbiyey Kismaayo, saraakiil Shabaabka ka tirsan oo xiriir la sameeyey dowladda Kenya ayaa sheegey in la bixiyo lacag madaxfurasho ah haddii la doonayo in la siidaayo haweeneyda la heysto.

Qorshaha markii hore waxa uu ahaa in la afduubto lamaanaha, balse shaqaalaha hoteelka ayaa sheegey in uu ninka is difaacay kadibna xabad lagu dhuftey.
Su’aalo ayaa la’iska weeydiinayaa sababta askartii joogtey saldhig Police oo 200 mitir oo kaliya u jirey meesha uu falka ka dhacay ay uga jawaabi waayeen falka dhacay.
Waxaa la sheegey in cariishka (cottage) ama guryaha makuutiga saaranyahay ee raaxada loo tago ee ay lamaanaha ku jireen in albaabkiisa ay ahayd maro yar, iyadoo raggii weerarka geystana ay baareen ugu yaraan 2 cariish ka hor intii aysan u dhicin cariishkii ay ku jireen David iyo Judith.
90 shaqaale oo ka shaqeeya hoteelka oo waraysiyo kala duwan lala yeeshey ayaa sheegey in waloow lagu andacoodo in meesha amaankeedu wanaagsanyahay, hadane uusan xaalku sidaasi ahayn, nin magaciisa qariyey ayaa wargeyska The Mirror ee London kasoo baxa uu sheegey in ay meesha ka dhaceen falal badan oo dhac ah.
Hoteelka habeenkii waxaa lagu jiifsadaa $400 doolar, haatan dadka jasiiradaasi ayaa ka cabsi qaba in falka dhacay uu saameyn ku yeesho daqliga magaalada kasoo gala dalxiiska.
Dowladda Ingiriiska ayaa horey u diidey in ay wax madax furasho ah ka bixiso lamaane burcad badeeda ay afduubteen oo la heystey sanooyin, mana cadda in haweeneydani Kismaayo lagu heysto iyada ay ka duwanaan doonto kuwaasi hore.
Haweeneyda hadda la heysto waxaa la sheegey in ay dhagaha ka jigto, islamarkaasina ay isticmaasho sameecado sahla maqalka kuwaasoo haddii batariga uu ka dhoco aysan waxbo maqli Karin. Judith waxaa la sheegey in ay ahayd haweeneey ka shaqaysa arrimaha daryeelka iyo xanaaneynta dadka nolosha ka dhacay, gaar ahaan kuwa ay noloshooda haligeen daroogada iyo qamriga, iyadoo dadka uga digi jirtey in ay daroogada iyo qamriga isticmaalaan.
Maakhiir Media Kenya
