Deeq Waxbarasho oo La Gudoonsiiyay Arday Ku Sugan Dalka Kenya+Sawiro
Muqdishi(MMedia) Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaad 100 arday oo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya ku wareejisay deeq waxbarasho oo dowladdu ay ka heshay dalalka caalamka qaarkood.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur A,meeriko iyo wakiil ka socday wasaaradda waxbarashada oo manta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in 81 arday oo oo ku nool Nairobi kuna guuleystay imtixaankii ay dhawaan qaadday wasaaradda Waxbrashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ay heleen waxbrasho ah dalka Suudaan.
Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in ardaydaan ay ku jiraan 31 arday oo ka yimid xeryaha qaxootiga ee dhadhaab, kuwaas oo dadaal dheer oo ay safaaraddu sameysay ku helay fursadadaan waxbarasho, wuxuuna sheegay damjiruhu in ay arrintaasi tahay mid dhiirri gelineysa Soomaalida ku qaxay dalkla dibaddiisa.
Maxamed Cali Nuur Ameerko ayaa sheegay in safaaraddu ay si bilaash ah ardayda qaxootiga ah ugu sameyn doonto Baasaboor iyo dhammaan Dokomintiyada ay ku safrayaan, maadaama aysan awood u lahayn in ay iska bixiyaan, wuxuuna sheegay in safaaraddu ay dowladda dhexe la kaashaneyso arrintaasi.
C/risaaq Maxamed Ducaale oo wasaaradda Waxbarashadu u wakiishay arrintaan ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay 320 arday oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ay u heshay deq waxbrasho oo dalka dibaddiisa ah, kuwaas oo bishaan dhexdeeda aadi doona dalalka Turkiga, Sudan, Jordan, Yemen iyo Pakistan.
Qaar ka mid ah ardayda oo ka hadlay halka shirka lagu qabtay ayaa walaac ka muujiyay haddii deeqda waxbarasho ay noqoto mid qabyo ah, oo ay dhacdo in ardayda ay iska bixiyaan Raashinka, Jiifka ama Daawada, hase yeeshee wakiilka wasaaradda Waxbarashada ayaa u sheegay in kaalmaha ay ardaydu kala galeen ay ku xirnaan doonto deeqaha ay helayaan.
Sadexdii sano ee la soo dhaafay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa kumanaan arday ah oo ku noolaa gobollada dalka iyo dalalka deriska ah gugddoonsiisay Deeqo Waxbarasho oo ay dowladdu ka heshay qaar ka mid ah dalalka Caalamka, Imtixaano caddalad ku dhacay ayaana lagu xulay ardaydaas ku meel maray dhibcihii ay keensadeen, dalal kala duwana iminka duruus ku qaadanaya si bilaash ah.
Maakhir Media Muqdisho
