|

Dagaal Khasaare Gaystay oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Boosaaso(MMedia) Dagaal khasaare gaystay ayaa saaka Aroortii ka dhacay magaalada Boosaaso  dagaalkan oo u dhaxeeya kooxo hubeysan oo ka soo kala jeeda beelaha halkaasi wada degan, waxaana dagaaladaasi oo u badnaa kuwo la isu adeegsaday hub la sheegayaa in sidoo kale dab la qabadsiiyay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi ay dagaaladu ka dhaceen.

Dagaal beeleedyada ayaa la sheegayaa inay bilowdeen dhul barxad ah oo ku yaala ka soo horjeedka shirkadda Isgaarsiinta Golis isla markaana ahayd goob bosteejo u ahayd gawaarida Koonfurta tagta, iyadoona maleeshiyooyinkii dagaalamayay ay dab qabadsiiyeen goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yaalla.
 
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalada ay ku dhaawacmeen ilaa shan ruux, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaalka guud ee magaaladaasi, waxaana saakay aad u kacsan xaaladda goobihii ay dagaaladu ka dhaceen.
 
Ciidamada Booliska maamulka Puntland daqiiqado kaddib soo gaaray soo gaaray goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, kuwaasi oo ku guuleystay inay kala dhex galaan dadkii dagaalamayay, halka qaar ka mid ah maleeshiyooyinkii dagaalada halkaasi ka waday ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.
 
Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo dagaallo ay ka dhacaan degaanada degaanada  Dowladda Puntland, iyadoona dagaalada saakay ka dhacay magaalada Boosaaso ay ku soo beegmayaan xilli weli ay socoto waanwaan laga dhex wado maamulka Puntland iyo maleeshiyo beeleedyo degan magaalada Gaalkacyo.

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed