|

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland

Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo ka socda safaarada ay dawlada Ingiriisku ku leedahay Addis Ababa. 

Weftigan oo uu horkacayo Chris Allan oo ah ku xigeenka madaxa Hay’adda msiisio, isla-markaana ay weheliyaan xog-hayaha labaad ee safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya Matt woods iyo Haweenay ka socota Hay’adda DFID ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo kaalmooyinka oo lagu magacaabo Paulina. 

Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay kulankooda kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta arrimaha bulshada iyo adkaynta nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad-badeeda, xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka ah, iyada oo kulankanina uu daba socday kuwa ay hore u wada yeesheen labada dhinac, isla-markaana ay dawlada UK u soo dirtay xubnaha weftigan xog-ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, maadaama uu marba marka ka sii dambaysa xididaysanayo xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee labada Dawladood. 

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay booqashada weftiga ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo dawlada UK-na ku ammaanay xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay Somaliland. 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse)

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed