Dad Somali ah oo lagu xidhay Dalka Swedan kadib markii loga shakiyay Argagixiso
Stockhom-(MMedia)-Wararka ka imaanaya dawalda Swedan ayaa shegeay in ay xidhay dad somaali ah oo ay uga shakiyeen falal argagixisanimo iyadoo ay sheegen sarakisha wadankaasi Swedan in ay falalkaasi doonayeen inay ka fuliyaan wadanka .
Saaraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Sweden war bixin ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeyn in ay gacanta ku hayaan afar ruux oo Soomaali ah kuwaaso oo la sheegay in gacanta lagu soo dhigay 11 bishan oo ay ku beegneed markii qaraxyada laga geeystay guddaha dalka Mareykanka.
Ciidamada Booliska dowladda Sweden ayaa tilmaamay in ay afartaani ruux oo ay gacanta ku hayaan in ay ku hayaan baaritaan xooggan la marsiin doono iyo in la ogaado qaabta ay ku soo galeen guddaha dalka Sweden.
War bixinta Booliska ayaa lagu xusay in maxkamad la soo taagi dooni hadii raggaasi lagu helo caalamadaha argagixisada, waxa intaa raaciyeen in ay si aad ah u adkeeyeen ammaanka garoomada diyaaradaha ee dalkaasi Sweden kaddib markii ay isa soo tareen falalka guran ee ay Al Qaacidda ka wado wadamada reer galbeedka.
Afarta ruux ee Soomaalida ah ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliska dowladda Sweden ayaa waxaa qabashadooda ay ku soo begantay iyadoo dalka Mareykanka laga xusayo qaraxyadii 11kii September ay Al Qaacidda ka geysatay dalkaasi Mareykanka.
Dadka Somaalida ah ee intabadan kusugan wadamada Yurub iyo America ayaa waxaa lagu soo edeyaa inay yihiin Argagixiso taasi oo ay ku sifaynayaan inay yihiin Al shabaab ,iyagoo Somalidu ay awalba wadankaasi u tageen inay isku dhiibaan ayaa hadana waxaa dhacda mar marka qaar in lagu soo eedeyo falalka noocan oo kale ah.
Maakhir Media Stockhom
