|

Yaa u maqan,reer Maakhir?

Maqaal(MMedia) Qof kasta oo dareen caqli lihi waxa uu garanayaa marxaladda maanta la marayo iyo ifafaalaha siyaasadeed oo soo bidhaamaya, soomaaliya waxa ay ku jirtaa xilli kala guur ah, waxaa laga soo gudbay in ku dhow rubuc qarni oo dayac iyo darxumo lagu soo jirey, shacabka soomaaliyeed oo ah dad muslimiin ah mar war walba waxa ay isku qancinayeen rajada ilaahay ee ah in aan la quusan dhibaato kastana uu wanaag ka dambeeyo” inna macal cusri yusran” iimaanka wanaagsan ayey ka mid tahay in lagu sabro mashaqada iyo dhibaatada, ilaahay waa raxiim waana naxariis badane addoomihiisa u tudha, in badan ayey hooyooyinka iyo dadka taagta darani gacmaha circa u taageen iyagoo ilaahay ka baryaya in uu faraj khayr u furo masiibadan wejiyada bandanna ka dulqaado, in kastoo rafaadkii , dawlad la’aantii, nabadgelyo xumadii, gaajadii, burburkii dhaqaale, jahligii caafimaad darradii lagu dhex jiro hadana waxaa la odhan karaa maanta ayey rajada soomaaliya ugu dhow dahay ninba si ha u arkee.

Waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mid ah is bedel iman doono, hase yimaadee dadka qaybna uu ugu iman doono si kedis ah iyagoo aan waxba diyaarsan bustahana hoosta kaga jira , qaar kalena oo is bedelkaasi u iman doono iyaga oo diyaar u ah oo barnaamij u sii samaystay.

Intaasi  arar ha ii ahaatee, aan u soo daadego dulucda qoraalkayga,  waxan rabaa in aa weydiiyo wax garadka reer maakhir haddiiba uu jiro cid wax garad lagu tilmaami karaa, Yaa u maqan,reer Maakhir? ilaa intee ayey aamusnaantaa ku jirayaa, yeyse isku hallaynayaan oo wax u soo sida, miyaanay ogayn in nidaamka soomaaliya loo diyaarinayaa mustaqbalka uu yahay nidaam federal ah oo gobolada intii is fahmi kartaaba is raacayaan oo maamul samaysanayaan, waxaan shaki ku jirin haddii aanay arrintaas reer maakhir ka tabaabulshaysan oo talo meel dhigan in labada nimiri ee Bari iyo Galbeed ka xiga mid uun ay calooshiisa geli doonaan halkaana ay ka  jiiq layn doonaan, goor aan goor ahaynna ay sida reer kashmiir iyo falastiinta dhagax tuur bilaabi doonaan iyo xor nimaanu rabnaa, oo markaana cid waliba dhegaha ka furaysato, aan idiin sii jilciyee haddii aydaan reer maakhirow doonayn in masiirkiinnu ahaado in aad jeebka si rasmi ah ugu gashaan Puntland  ama Somaliland.inta aad fursadda haysataan ka faa’iidaysta oo umadda soomaaliyeed dhinac ka raaca waxna la qaybsada, inta wax la idiin ogol yahay, codkiinana la maqlayo, kama liidataan Galmudug dal ahaan iyo dad ahaanna idinkaa ka badan, maantana waxa ay ku gorgortamayaan ama ay liiska xagga hore kaga jiraan in ay Lion share ka helaan talada iyo khayraadka wadanka soomaaliya, kartidooda iyo dadnimadooda ayeyna ku gaareen, Puntland waxba kuma haysataan oo taa qof dafirayaa ma jiro, haddii aynaan dhalasho waan is xignaa ku marmarsiinyoonayn, Somaliland  in badan ayey inooga fiican tahay ugu yaraan cay iyo af lagaaddo inagama soo gaarto, sida ninka iminka u taliya puntland uu ku faanayey “waxan u mahadnaqayaa dadka dega buuraha goolis ka dib markaanu dad badan ka laynay dagaalkii Galgala iminkana dawlada ayey raacsan yihiin oo shabaab u soo qabqabanayaan”, waa hadalkii laga duubay Faroole websityada ayuuna ku jiraa ciddii doonaysa inay maqasho waxay ka dhegeysan kartaa, http://www.galgalanews.com/?p=3057

 Taa micneheedu ma aha in aan aaminsanahay in aynu Somaliland ku raacdno mabda’a kala go’a, oo anigu kolley arrintaa aad ayaan uga soo hor jeedaa in soomaaliya oo awelba qaybo maqnaayeen labadii  harayna la kala gooyo.

Haddaba Mid idinka ayaa taladeeda gacanta ku haya xorna u ah meel marinteeda, midse waa la idinku khasbi doonaa goor aydaan diidi Karin kana hadli karin waana la idinku sandullayn doonaa haddii aydaan  ka sii tashan.

1.   In aad sida degaanada idinla midka ah aad maamul goboleed federaalka hoos taga samaysataan xuduudiinana inta aan lagu murmin soo xayndaabataan, oo sharci iyo nidaam samaysataan idinkaa xor u ah waana tan maanta la idiinka baahan yahay haddii aanan khaldanayn.

2.   In sida aan kor ku soo sheegay labada qabiil ee dhinacyada idinka xiga mid la idin hoos geeyo waa Puntland e kan kalena waa Somaliland e ku doodo anigaa leh oo markaa degaankiinnu noqdo meel laysku haysto ilaa iyo qiyaamaha.

Talo waxaan ku soo ururin lahaa, Aqoon yahan idinkuma yara, Cuqaal iyo wax garad dadka waad kala siman tihiin, colaad hoosaad dhexdiinna taal oo xal u baahani ma jirto, dhaqaale ahaan waxay soomaalida inteeda kale idinku xamataa in aad tihiin reer wada tujaar ama ganacsato ah oo qabaa’ilka ugu jeebka roon ayaa la idinku tiriyaa, xaqiiqdase ilaah baa og. degaanka la idiin yaqaan waa qani(hodon),  sadexda meelood ee patrolka ugu qaalisan uguna badani ku jiraa soomaaliya midda no 1  waa laasqoray sida ay caddaysay baadhitaanadii ugu dambeeyey ee la sameeyey. Macadantuna warkeedaba daa weliba dahabka iyo dheemanta, hadaba ninkii siyaasi ah ee reerka ka tirsan oo meel kale u xoogsi taga ceeb ma aha laakiin talada reerka ha laga midaysnaado oo dalka la khiyaamaynayo waa la is weydiin doonaaye ha la joojiyo, umadana masiir ha loo sameeyo.

Waxan ku talin lahaa :

1.   Magalootiyada magaca beesha huwan waxna aan u soo sidin dadkuna iyaga wax ka sugayaan ha la iska qabto oo dad shacabka meteli kara ha lagu bedelo.

2.   Suldaanka Beesha Suldaan Saciid Ha ku baaqo shir weyne, gogolna ha fidiyo, wax garadka beeshana ha isugu yeedho inta  aanu sanadkani dhamaan.

3.   Wixii khilaafaad ee hore oo jirey ama lagu kala aamusnaa dib ha loo yare dhigto malaf(file) cusub ha la furto oo ha lagu guro inta arrimood ee la isku raacsan yahay ama la isla ogol yahay.

4.   Jaaliyadaha Reer maakhir ee dibadaha ku dhaqan wadan walba ergo xadidan ha laga casumo.

5.   Jaaliyaduhuna ha soo diraan dad xil kas ah oo daacad ah.

6.   Taladan waxba yaan laga siin kuwa iminka inaga metela ee maamulada  iyo DKMG ku jira oo garan waayey degaanka badbaadiya iyagoo arkaya khatarta ku soo socota.

7.   Shirkaasi ha noqdo mid talo midaysani ka soo baxdo, ee aanu noqon mid hadhow ninkii aragtidiisa laga bato uu yiraahdo “looma dhammayn” oo khilaaf iyo tafaraaruq abuuro.

8.   Dhaqaalaha shirka ku baxaya waa in guddi loo sii sameeyaa u hawl gasha , lacag laga qaado, Ganacsatada, dadka degaanka, qurba joogta, hay’adaha wadaniga ah, Hay’adaha caalamiga ah, NGO, waayo hoos la isuma dhigo  state hodon ah ayaad tahay berri cid waliba way kuu baahan doontaa,  shakhsiyaadka muhimka ah ee aqoon yahankeenna dibadaha jira  waa in ay hawshaa door weyn ka qaataan.

Gunaanadkii anigu waxan u arkaa haddii sidan lagu sii jiro in ka xaalkeennu uu noqonayo” gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa” , waxay somalidu ku maahmaahdaa “nin aan hadlin hooyadiisna wax ma siiso”

Ceeb ma aha in aad xaqaaga dhacsatid oo cadkaaga aanay cid kale qaadan ama aan minority laguu arag adiga oo Main clan ah.

Waxaan dhamaan umadda soomaaliyeed u rajaynayaa khayr iyo horumar, gaar ahaan reer maakhir.

Hadalkaa aad soo akhrideen ee aan qoray waa sidaa uu u qoran yahay wax ujeeddo ah oo ka dambeeya ama cid gaar ah oo aan ula dan leeyahay ma jirto, qofkii six un u fasisrtaana waa isaga iyo aakhiro, waxan keliya soo ban dhigay wixii calooshayda ku jiray iyo wanaag aan la jeclahay dadkayga iyo dalkayga ilaahay ayaana sidaa igu og.

Wixii niqaash ah ama jawaabo aan muran iyo asaraar ahayn diyaar ayaan u ahay , cinwaanka hoose ayaad iigu soo diri kartaan.

Wa billahi towfiiq

Inj. C/rasaaq Cali Maxamed

Samakaab7@gmail.com

Kuwait

Comments are closed