Boliska aduunka ee INTERPOL oo sheegay in Lasoo Qabanayo Qadaafi
INTERPOL-(MMedia)-Booliska aduunka INTERPOL ayaa maanta amar ku bixisay in la soo xiro hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucammar Qadaafi, wiilkiisa Saif al-Islam iyo madixii sirdoonka dalkaasi Abdullah al-Senussi.
Horay ayaa waxaa ay maxkamadda aduunka HAAG u soo saartay in la soo qabto Qadaafi iyo wiilkiisa kuwaas oo lagu eedeeyay falal ka dhan ah bini`aadamnimada, waxaana ku dhawaaqidda INTERPOl ay imaaneysaa xilli HAAG ay dacwad u gudbisay taas oo ku aadan in loo soo qabto raggasi.
- Raggan waxaanu ka baafinay 188-wadan ee heshiiska INTERPOL ka dhexeeya, waxaana ay micneheedu yahay in isla goobta lagu qaban karo, loona gudbiyo maxkamadda aduunka”, sidaa waxaa yiri Ronald Noble oo ah sarkaal ka tirsan INTERPOL.
Qadaafi iyo xigtadiisa ayaanan la arag mudo bilooyin ah, lamana oga halka ay wadanka Libya kaga sugan yihiin xilli ay ku andocoonayaan in ay ku sugan yihiin dalka gudihiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kolonyo baabuur oo ilaa 200 gaaraya kuwaas oo ka tilaabay xadka Libya iyo Niger uu la socda korneyl Qadaafi.
Maakhir Media Network
