Dawlada Yeman”duqaymihi ka dhacay Zinjubar ay Kooxo Al=Shababa ku dhinteen”
Yeman-(MMedia)-Wararka ka imaanaya magaalada Zinjubar ee gobolka Abyan ee dalka Yaman ayaa waxa ay ku waramayaan in diyaaradaha dagaalka ee dowlada Yemen oo kaabaya diyaaradaha dalka Mareykanka ay duqeymo kafuliyeen gobolkaasi oo ay ku dileen inka badan 50-dagaaliyaan oo ka tirsan Al Qaacida kaasi oo ay ku jiraan dagaaliyaano Al Shabaab.
Saraakiil u dhalatay dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dhinteen in ka badan 3-dagaalyaan oo ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo ka bar bar dagaalamayey Al Qaacidada dalka Yamen
Saraakiisha ayaa waxa ay intaasi ay ku dareen in dhimashada ragaani ay timid ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Yemen ay duqeymo xooggan ka fuliyeen Isbitaal ku yaalla Gobolkaasi oo ay ku jireen rag ka tirsan Al-qaacido ah, waxaana ay carabka ku dhufteen in dhimashada ay intaasi ka badan karto.
Dowladda Yemen ayaa waxa ay sheegtay in ku dhawaad 600-oo dagaalyan ah oo ka tirsan Al Shabaab ay ka soo dageen xeebaha dalka Yemen Isbuucyadii la soo dhaafay kuwaasi oo la tibaaxay in ay ku biireen Al Qaacidada Yamen.
Maakhir Media Network
