Maakhir oo Shirtay iyo Isbedel Hogaan oo lagu Han Waynyahay +Sawiro
-
Nairobi-(MMedia)-Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha dhexe ee Jaaliyada Maakhir ee Kenya waxana shirkaasi Joogay xubno ka Tirsan Maamulka Puntland iyo Saraakiil ka shaqaysa Hay’addaha Deegaanada Puntland, Ujeedka shirkaasi ayaa ahaa in lays dhaafsado xog waraysi ku aadan arrimihii ugu danbeeyay ee deegaanada Sanaag iyo Hayland dhanka Tacliinta iyo Amaanka wixii ku soo Kordhay.
Shirkaasi ayaa lagu Bilaabay Munaasibad qado ah, Qadasho Sharaftaasi ka dib ayaa ayaa la guda galay Ajandayaashii Shirkaasi waxana ugu Horayn la sheegay in shirkaasi yahay mid looga hadlayo wajigiisii Koowaad sidii loo heli lahaa Hogaan ka hana qaada deegaanka Maakhir iyada oo laysla soo qaaday Maamulkii hada ka hor deegaanka looga dhawaaqay hase yeeshee aan Taabagalin.
Waxana arintaasi laga Yiri inay haboontahay in dib boodhka looga Jafo Maamulkaasi isla markaana helo xubno La jaan qaadi kara Wacyiga siyaasadeed ee Somaliya ka taagan.

Shirkan Maanta ka dhacay MagaaladaNairobiayaa Wajigiisa Labaad loo Balamay in Isbuucyada soo socda la qabto ayna ka soo qayb galidoonaan Qurba joogta qaar ka mid ah iyo Xubnaha Reer Maakhir ee TFG ku Jira.
Hadaba shirkan ayaa lagu Furay AAyado Quraan ah, Sh.Cabdisalaan Cismaan Bulqaas isla markaana shirka daah Furay isaga oo Bulshada ku Baraarujiyay inay Cabsidi alle Xasuusnaadaan isla markaan Ahaadaan had jeer kuwa wanaaga is Fara.
Cabdalla Aadan Cabdalla [Cabdalla Dhoore] oo dhawaan dalkii ka Yimi ayaa ka warbixiyay wacyiga dhabta ah ee Dalkii ka Jira, Abdalla ayaa xusay in Guud ahaan Deegaankii uu ka soo Kabanayo dagaal mar hadheeyay kaasi oo ahaa Colaadii GalGala hase yeeshee hada ay ka jirto Nabad wanaagsan.
“Gobolkii hada horay Hay’adduhu waa ku Yaraayeen laakiin hada waxa Xafiisyo ka Furtay Hay”addo badan sida DRC, UNICEF iyo kuwa kale kuwaasi oo Xafiisyo ka furtay Magalaada Badhan ayna Guusheeda leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha” Ayuu Yiri Cabdalla Dhoore.
Sidoo kale Jaamacada Maakhir buu ka hadlay inay Guul ku Talaabstay isla markaana ay dadkii la Jaan qaadeen Tacliinta Jaamacada isaga oo ku dheeraaday in Jaamacada Guri la siiyay isla markaana Dhismihii Gurigaasi Hadhay.
Waxana iyadana halkaasi Goob joogay ka ahay Isuduwaha Wasaaraa Haweenka iyo Arrimaha Qoyska PL Sanaydb Ismaaciil Tiibinyo,waxana ay Khudbadeeda ku soo qaadatay in G.Sanaag ay ka Iftiintay Horumar waxana ay Tusaale u soo qaadatay Dhismaha Golaha Deegaanka Badhan.
Saynab Ismaaciil baa xustay in dib loo Yageelo Maakhir State isla markaana ay dhaliilo xoogan dusha uga Tuurtay Qurba Joogta iyada oo Tiri dhankooda bay ka Bur Burtay Maakhir State.
Ugaaska Beelaha Daarood Xasan Hilaali Oo Iska Goobtaa Hadal Ka jeediyey ayaa Ku dheeraaday faaiidada ay leedahay in la helo Hogaan wanaagsan oo Horumar ka gaysta Deegaankii.
Intaas Ka dib waxaa Hadalka Qaatay Xubin ka mida Maamul Gobolleedka Azania State Cabdillaahi Xasan Xabeeb ( Goobe) Oo Ka Wax Bixiyey Maamulkaas Iyo Saamiga ay ka heshay Beesha Deegaankaa, Isagoo Cararbaabay in Qofkasta oo Danaynaya Inuu Maamulkaa Ka qaybqaato uu Jaanis Uga furan yahay .
Abdirahman Maacir Oo Ka mid ah Xubnaha Jaaliyada Maakhir Ee Dalkan Kenya ayaa Tibaaxay In ay muhiimtahay In arimahaas Layska Lafa guro, Isagoo Ku Tilmaamay arin Wanagsan Oo loo baahanyahay Markasta , Iyo Goobkasta ,Abdirahman Maacir Oo Hadalkiisii Sii wata ayaa Ku dheeraaday Waxqabadkii Jaaliyada Maakhir oo Dowr weyn ka qaadatay Isku xidhka Qurba joogta Deegaanka Ee Ku Kala Baahsan daafaha Aduunka .
Muqtaar Cabdi Ducaale Cali Qaayib Oo Isna ka mida Jaaliyada Maakhir ee kenya ayaa goobtaas ka jeediyey kalmad qiima leh Isagoo Sheegay In Loo Baahan Yahay dardargalinta Arimaha Jaamacada , Muqtar oo ka hadlayey Warbarashada iyo Qiimaha ay leedahay ayaa sheegay in aanay Isku Mid ahayn Qof wax bartay iyo Mid jaahila .
Ugu Danbayn Waxaa Goobtaa Migrifoonka Lagu Soo Dhaweeyey Mohamed Mohamud ABdi Beerdhige Oo Ka Warbixiyey Jaamacada Iyo Baahiyaha Jira Isagoo Sheegay In Loo Baahan Yahay In Laga qayb Qaato Lacag Loo Ururinayo Jamaacada Oo Buug Loogu Gadayo , MR. Beerdhige ayaa Isagoo Ka hadlaya Wacyiga Siyaasada Soomaaliya Sheegay In Loo Baahantahay Dadka Deegaanka U dhashay Ee Qurba Joogta ahi Inay Isu Xilqaamaan Oo Buu yiri La helo Rag Aqoonyahano ah Oo Passporo Ajinabi ah sita Oo La Jaanqaada Wacyiga siyaasadeed Ee Maanta Ka jira Geeska africa ,
Beerdhige ayaa Mar la weydiiyey Su’aal ah Siyaasada Soomaaliya Waxaa Laga hagaa Kenya Ee Qoladiina kenya Joogtaa Maxaa idiin Qorshaysan ?
“ lolo Nin Kenya Joogaa Oo sponser ku dhahay Oo Wareersan Saamayn Kuma laha wacsiya siyaasadeed Ee Soomaaliya , Laakiin Dadka Kenya Wax Ka ahi waa Rag Aqoonyahano ah Oo Qurbaha Ka yimi Oo La xisaabtani Kara Beesha Caalamka “ ayuu beerdhige Ku jawaab Celiyey .
Dhanka Qurba joogta waxa Goob jooga ahaa C/raxmaan Jugaase oo ka mid ah Qurba Joogta Maakhir ee dalka Australia isaga oo sheegay in qurba Joogto aanay wax wayn qaban karin hadii aanay Gacan ka helin Gudaha iyo Ganacsatada deegaanka si buu Yiri looga Talaabsado Caqabadaha laga soo sheegayo deegaankii.
Shirkaasi waxa soo qaban qaabiyay Gudoonka Maakhir ee Kenya oo Gacan ka Helaya Cadnaan Axmed Shire oo ka mid ah qurba Jooga Deegaanka
Dodobadii shirkaasi laysla Gartay.
In la Taageero Dhismaha Jaamacada Maakhir
In xidhiidh dheeraad ah lala sameeyo Qurba Joogta si ay u Taaba galiyaan Horusocodka Maamulka
In Sanduuq dhaqaale loo Furo Dadka ku Barakacay deegaanka ee Abaarahu Sameeyeen.
Waxa Jira Qodobo kale oo laysla soo qaaday Kuwaasi oo ay Golaha dhexe ee Maakhir Codsadeen in aan Warbaahinta lagu Faafin ilaa Amar danbe.
GalGalanews
Maakhir Media Nayrobi
