|

Duqii Hore Ee Dagmada Gaalkc yo Oo Xilka ku Wareejiyay Midka Cusub ee Dhawaan la magacaabay+Sawiro

Gaalkacyo(MMedia) Maanta ayaa waxaa lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee magaalada Gaalkacyo munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay xilalka kula kala wareegayeen duqii hore ee degmada Galkacyo Siciid Salaad cilmi iyo duqa cusub ee dhawaan la magacaabay mudane Farxaan Xasan Jay .
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin katirsan maamulka galmudug oo uu horkacayey bmadaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug mudane C/samad Nuur Guuleed qaar ka tirsan golaha wasiirada xubno kasocday urarada bulshada.
Ugu horayn waxaa halkaasi hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey duqii hore ee dagmada Galkacyo waxaana uu faahfaahin balaadhan ka bixiyey mudadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayey wixii u qabsoomay iyo wixii qabyada ka ahaa intii aan xilka laga qaadin.


Siciid Bulbulwaxa uu farta ku fiiqay in uu dhamaan wareejiyey wixii qalb iyo shaqaale ahaa ee ka tirsanaa dawlada hoose waxaa kale oo uu shaaca ka qaaday in aaanu shaqayn karin qofna hadii aanay bulshadu la shaqayn isagoo sheegay in hadii masuul xumi yimaado ay macnaheedu tahay waxaa xun shacabka soo doortay.
Sidoo kale waxaa hadalka qaatay duqa cusub oo aan isagu hadalka ku dheeraan balse codsaday in lala shaqeeyo islamarkaana hawshiisu ay ku hirgali karto oo kaliya marka labarbar istaago.
Waxaa isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga mudane Axmed maxamuud Xasan(Baasto )oo isagu sheegay in lakala wareega xilku uu yahay mid ku cusub dhagaha dadka Soomaalida balse ay jirjirtay wax la magacaabo oo hadana lagu dhago.
Ugu dambayntii ayaa xafladaasi waxaa soo afjaray madaxweyne ku xigeenka galmudug mudane C/Samad nuur Guuleed oo isagu ka fiiriyey dhanaca amaanka balse ku dheeraaday hambalyo iyo soo dhaweyn duqa cusub islamarkaana u rajeeyey in uu noqdo mid sii dhamaystira wixii ka dhinaa maamulkii ka horeeyey waxaana uu ugu baaqay dhamaan daweynaha reer galmudug in ay ka shaqeeyaan ilaalinta amaanka oo aan iyaga la,aantood wax suurta galayaayi jirin.

Liibaan Cajiib Xaaji

Maakhir Media Gaalkacyo

Comments are closed