|

R/Wasaare Gaas oo u Ambaba Baxay Dalka Maraykanka

Muqdisho(MMedia) Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaga oo kusii jeeda dalka Mareykanka.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusii sagootiyey xubno ka tirsan labada golle ee Dowladda oo kamid ahaa Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise.

Muqdisho(MMedia) Mudane C/weli Maxamed Cali Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ka hor inta uusan ka ambabixin garoonka diyaaradaha Aaadan Cadde ee magaalada Muqdisho Wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in safarkiisa uu ku wajahan yahay dalka Mareykanka halkaasi oo uu kaga qeyb gali doonno shir Afar iyo Tobanka bishan ka dhacaya New York oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo Shirkale oo gollaha Ammaanku ay yeelanayaan.

Safarkan uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ugu ambabaxay dalka Mareykanka ayaa noqonaya socdaalkii ugu horeeyey ee uu dalkaasi ku tago tan iyo intii Mudane C/weli Maxamed Cali loo magacaabay Xilka Ra’isulwasaarenimo.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed