Maakhir Soceity Uk oo Qabanaya Xaflada dhaqaale Loogu Uruurinayo Jamaacada Maakhir ee Badhan+Sawiro
London(MMedia) Shiray isugu yimaadeen Golaha Fulinta Iyo Xubnaha Ururka Maakhir Society ee Uk ayaa ka dhacay Hotel Ramada Encore ee ku yaala Galbeedka Magaalada London ee Xaafada Acton waxaana lagaga wada hadlayay qodobo door oo ay ugu muhiimsanayd laba qodob oo kala ahaa Sidii dhaqaale loogu Uruurin lahaa Jaamacada Maakhir iyo Dhismaha Kuliyada Farsamada Gacanta oo laga hirgelin doodno Magaalada Dhahar Sanad ka danbe hadii alle idmo
Kulanka oo warbixino laga dhagaystay Maamulka Ururka Maakhir society ayaa diirada saarayay heerarka waxbarashada deeganaada Maakhir iyagoo aad ugu dheeraaday sidii gacan looga gaysan lahaa kor u qaadida tayada dugsiyada iyo Jaamacadabda waxaana la isla gartay in la sameeyo Xaflada dhaqaale loogu Uruurinaya Jamaacada dhamaadka bisha October iyadoo hadii alee ka dhigo lagu dhawaaqi doono maalinta ay dhacayso Xafladaasi Maalinta Jimacaha ah ee bishu tahay 16/09/2011 waxaana loo saaray Gudi ka kooban lix Xubnood oo Gudoomiye looga Dhigay Khadar Maxamed Gaas waxaanay kala yihiin
Khadar Maxamed Gaas Gudoomiye
Maxamud maxamed Siciid
Axmed Jaamac
Maxamed Yuusf Liibaan
Maxamuud Cabdi C/dalle
C/raxmaan Maxamuud dhoore
Intaa ka dib waxa la soo dhaweeyay Xubno Cusub oo lagu daray Gudida Fulinta oo kala ahaa Maxamed Siciid Barwaani,Maxamed Amiin Salaax Xamari,Ducaale Axmed seyga waxaana lagu guda galay sidii looga arin lahaa Dhismaha Kuliyada Farsamada Gacanta ee laga hirgelindoon Magaalada Dhahar waxaana la isla gartay in loo saaro Gudi samaysa Qiimayn iyo Daraasad waxaanay sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaan daraasadaas iyo dhaqaalaha ku baxayba waxaana Gudida loo Magaacabay ka mida ahaa
C/casiis Maxamed Xasan
Ducaale Axmed Seyga
Maxamed Siciid Barwaani
Eng: Maxamuud Maxamed Cismaan Faleen
Maxamed Amiin Saalax Xamari
Axmed Maxamed Awaare
Magacaabistaas Gudidad ka dib waxa hadalka qaatay Maxamed Maxamuud Qandalaawi oo aad usoo dhaweeyay dhamaan gudidad isu xilqaantay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Horumarka deegaanka waxaanu u sheegay inay la garab taagtnaandoonaa wax alaale wixii ay uga baahdan waxa iyana hadalo dhiiri gelin iyo gubaabo isgu jirta halkaa kasoo jeeday Fanaanka Faysal Jawaase iyo Cumar Daahir Dalmar oo sheegay inay garab istaagi doonaan Gudidaas ilaa inta laga hirgelinayo Howlaha loo igmaday
Ugu danbayntii waxa hadalka soo gabagabeeyay Khadar Maxamed Gaas oo sheegay in loo baahan yahay in qof waliba la yimaado karti iyo daacadnimo joogto si loo gaadho yoolka aynu higsanayno oo ah in horumar muuqda laga sameeyo deeganaada Maakhir waxaanuu Gudiyadii ku dhiiri geliyay in sida ugu dhakhsaha badan u howl galaan
Maakhir Society Uk
Maakhir Media London
