Warsaxafeed Madaxwayne Shiif oo Xafiiskisa ku Qabilya Wafdi ka socday Turkiga
Muqdisho-(MMedia)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti caalami ah oo uu hogaaminayo Qunsulka cusub ee dowlada Turkey u fadhin doona dalka Soomaliya. Waxaa Qunsulka la socday Madxa ha’yada TIKA Dr. Serdan Cam iyo madaxa diyaarada Turkish Airline (CEO) Temel Kotil.
Madaxweynaha ayaa ku wargaliyay Qunsulka cusub in ay dowlada Soomaliya aad ugu faraxsantahay in wadanka walaalkeen ah ee Turkey uu safaaradiisa dib uga hirgalinayo dalka Soomaliya, madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxda iyo dowlada Turkey sida walaaltinimoda ah oo ay u garab istaageen shacabka iyo dowlada Soomaliaya.
Madaxa ha’yada TIKA Dr. Serdan Cam ayaa ka war bixiyay wafuuda ballaaran oo ka kooban ha’yado ka mid ah dowlada Turkey oo qorshohoodu yahay in ay qayb weyn ka qaataan dib-u dhiska dalka Soomaliya siiba magaalada Muqdisho. Dhanka kale Madaxa diyaarada Turkey (Turkish Airlines) Temil Kotil ayaa sheegay in Turkish Airline ay bisha soo socota bilaabayso diyaarado ukala duula Istanbul iyo Muqdisho asbuucii laba goor, sidoo kale Temel Kotil ayaa sheegay in ay qaybo muhiim ah ku kordhinayaan ayraboorka maadaama ay rabaan in ay Muqdisho ku xiraan 146 magaalo.
Qunsulka cusub ee Turkey ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkey Ali Babacan uu labadii biloodba mar soo booqanayo dalka Soomaliya si uu u kormeero ha’yadaha dowlada Turkey u xil-saartay taakulaynta iyo dib-u dhiska dalka Soomaliya.
Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa u faah-fahiyay wafuuda Turkey in dalak Soomaliya uu tahay wadan cimilo wanaagsan oo dhaqaale aan la soo koobi Karin leh, kaliy loo baahanyahay in amniga la wanaajiyo horumarkana laga shaqeeyo.
– Dhamaad –
Suldan A. Farahseed Agaasimaha Warfaafinta

