100 Qof oo kenyaan ah oo ku dhintay Tuuba shidaal oo ka qaraxdyt Bartamaha Nayobi
Nairobi-(MMedi)-Inka badan 100 Qof oo Kenyan ah ayaa ku dhitay dab qabsday tuubo shidaal oo ku dhextaalay bartamaha magalaada Nayribi iyadoo ay dadkani u badnaayeen dad rayida .
wararka ka imaanaya magaalada Nayrobi ayaa sheegay in ay dadkani gaadhayso dhimashadoodu ilaa 100 Qof iyadoo ay sidoo kale laamaha amaanka iyo warfidiyeenadu ay shegeen in dab kani ka kacay kadib tuubi shiidaal oo furantay kadibana dadkan ay ku yaaceen tuubadii kuwaasi oo doonayay in ay ka dhaansadaan shidaalkan daadanaya.
waxay wararku intaasi ku darayaan shacabkii tirada badnaa ee halkaasi ku yaacay markii ay u dhawadee tuubadii in ay qaraxday iyadoo dab aan la garanayn halka uu ka yimi uu qabsaday tuubadi kadibana waxa isla wada qarxay goobtii sdia uu kusoo waramayo wariyaha halkaasi noojooga.
laamaha caafimaadka ayaa iyagu sheegaya in dad badan oo dhawac la keenay cisbitaalda magaalada Nayrobi iyadoo ay dad gaadhay iminka 100 ay geeriyoodeen waxa kaloo wararku sheegayaan in ay dad badan oo dhawac ay jiraan kuwaasi oo aad u liita,Masiibadan ayaa ah mid si weyn u gilgishey caasimada dalka Kenya ee Nairobi waxaana socda dadaalo lagu badbaadinayo dadka dabkaasi ay dhawaacyadi kasoo gaareen oo kasocda Cusbataalada Nairobi.
Dabkan ka dhashay Tuubaada shidaalka oo sababatay dhimashada badan ayaa wali waxaan war kasoo bixin dawlada lama garanayo wax dhaliyay dabka inkastoo uu shidaal yahay kaasi oo laga fogeeyo wixii halis u ah dabka ,dadkan goobta ku dhaawac may ayaa u badnaa danyar kuwaasi oo doonayay inay ka daabushaan Tuubada shidaalka daadinaysa.
Maakhir Media Nairobi.
