|

Gudoomiyaha Guriceel oo Qarax lala Beegsaday Maanta

Guriceel-(MMedia)-Qarax geystay qasaaro nafeed ayaa waxaa lala eegtay Gudoomiyaha degmada Guraceel ee Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Gudoomiyaha degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud Xasan Cismaan Taardhuleed ayaa waxa la sheegay in goordhow qarax miino lagu eegtay degmadaasi sida ay inoo sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamuka degmada.

Wararka waxa ay sheegayaan in qarax oo ahaa miinada dhulka lagu aaso uu ka badbaaday Gudoomiyaha oo gaari watay hase ahaatee waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 2-ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ah dad rayid ah

Gudoomiyaha degmada Guraceel ee Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday isaga iyo ilaaladiisa,  isagoo xusay inay ku raad joogaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Comments are closed