|

Baaq ka soo baxay shirweynihii wada tashiga ee beesha talxe sade

  • Gedo-(MMedia)-Kadib markaan qiimaynay marxaladda adag ee dalku marayo
  • Ka dib markaan argnnay rabitaanka iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo nabaddoonnada beesha talxe
    Kadib markaan qiimaynay rabitaanka beesha
    Kadib markaan dareennay ama an aragnay in aan la haleenin hogaan cadaalad ah oo oo guud oo ka dhaxeeya beesha sade ayaa beesha talxe iyada oo xog ogaal buuxda u ah wixii soo maray 20kii sana ee la soo dhaafay dhamaan beesha sade iyo hogaan dhaqmeed laantii iyo cadaalad daradii soo martay dhamaan beesha sade

    ayaa beesha talxe waxay go aansatay in uusan jirin wax hogaan dhaqan ah oo ay la wadaagta beel weynta sade isla markaana ay beesha ay gooni u leedahay hogaan dhaqmeed hogaan dhaqmeedkaas oo ah ugaas ay beesha talxe ku caana shubi doonta muda dhaw isla markaana noqon doona ugaaska guud ee beesha talxe cumar iyo maxamed

    waxaa ay sidoo kale ay beesha talxe u sheegaysaa bulsha weynta soo maliyeed in uusan jirin wax ugaas ah ama hogaan dhaqan ah oo ay beesha talxe la wadaagta beelweynta sade isla markaana ay beeshu leedahay hogaan dhaqan oo u gaar ah isla markaana madax banaan

  • beesha talxe amaanreer waxay au ugu baaqaysaa dhamaan beelaha soomaliyeed iyo gaar ahaan beelaha sade in ay ku casumayaan cid alaale iyo cidii ka soo qeyb galaysa caana shubka ugaas beesha talxe isla markaana ay soo dhawaynayaan

    sidoo kale waxaa ay beesha talxe amaan reer soo dhawaynaysaa cid alalae iyo cidii ka shaqaynaysa nabada iyo horumarka gobalka gedo iyo guud ahaanba geyiga soomaaliya iyadoo lawada ogsoonyahay in ay beesha talxe ku caanbaxday nabad jaceel iyo samir isla markaana aysan ka qeyb qaadan colaadihii ka dhacay gobalka gedo

    baqaan waxaa soo saaray odayaahsa magacooda hoos ku xusan

    1) uGaaska beesha talxe amaanreer ugaas cabdi buule xasan (dabac)
    2)col maxamuud bare qaasim (col)qoslaaye

    3)suldaan axmed muuse aamiin

    4)nabdoon cabdi shiiloow isaaq

    5)xildhibaan xasan cumar

    6)col cabaas ibarahim gurey

    7ku xigeenka Ugaaska Macalin Ibraahin Nuur Shacbaan
    8)Yaquub Maxamuud Cilmi
    9 nabadoon ibrahim adan buule( kooshiin)

    Bayaankaan waxaa lagala xariiri karaa 3 nin ee hoose oo ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan Gudiga farsamada ee beesha talxe

    1.cabdi rashiid abdi adan bule

    madaxa gudiga farsamada beesha talxe

    bulle04@hotmail.com

    2 c/qadaair cali isaaq ( jeeri)

    xubin gudiga farsamada

    jeyborso3@hotmail.com

    3 yuusuf maxamed bayoow

    xubin gudiga farsmada

Maakhir Media Netorwk

Comments are closed