|

Banaan bax lagu Tageerayo shirki wada tashiga Go’aamadii kasoo baxay oo Gaalkacayo Ka dhacay+Sawiro

Galkacayo-(MMedia)-dibad baxaani oo ahaa mid lagu taageerayay shirkii wadatashiga ah ee ku soo idladay Magalaada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay barxad cabdulaahi ciise ee magaalada Gaalkcyo
Banaan baxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta maamulka Gobolka Mudug oo ay u jeedadiisu ahayd sidii taageero balaaran loogu muujin lahaa karaali ahaanshaha go,aamadii ka soo baxay kulankaas.
Qaybaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo oo ay kamid ahaayeen ururada Haweenka kuwa dhalin yarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay horkacayaan qar katirsan masuuliyiinta maamulka galmudug ayaa saaka waxa lagu qabtay garoonka cayaaraha ee C/Laahi Ciise kaasi oo khudbooyin kala duwan laga jeediyey oo inta badan diirada lagu saarayey sida ay utaageersan yihiin waxii kasoo baxay kulanka wadatashiga Muqdisho.


Madaxdii ka hadashay waxaa kamid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Galmudug mudane C/Samad Nuur Guuleed oo isagu ku dheeraaday taageerada shirka iyo talaabooyinka horumarka leh ee ay qaaday Galmudug mudadii koobnayd ee ay jirtay.
Mar uu Madaxweyne ku xigeenku kahadlayey dhinaca nabadgalyada waxa uu sheegay in Galmudug mudadii ay jirtay ay ku gaartay ilaalinta nabadgalyada hadii ay ahaan lahayd mida gudaha iyo tan dariska.

Libaan Cjib Xaaji

Maakhir Media Gaalkacayo

Comments are closed