Madaxwaynaha JSL oo magacaabay Gudoomyaha Gobolka Awdal
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0172/092011 ku Magacaabay Mudane, Axmed Xadi Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka
Awdal,
Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

