Maxkamada Sare JSL oo Go’aan kasoo Saarat Khilaafkii Xisbiga UCID+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Hargaysa-(MMedia)-Maxkamadda sarre ee Distooriga ah ayaa maanta Go´aan ka gaadhay Khilaaf u dhaxeeyey Masuuliyiinta sar sarre ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, isla markaana waxa ay ku amartay Golaha dhexe iyo Guddida fullinta inay Waajibaadkooda gutaan oo ay qaban-qaabiyaan Shirweynaha saddexaad ee Xisbiga.
Fadhiga Maxkamadda oo uu Guddoominaayey Guddoomiyaha maxkamadda Distooriga ah ee Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Saddex Garsoore oo hareeraha ka fadhiyey, isla markaana ka tirsan Guddida Caddaalada, waxaana markii uu Guddoomiyaha maxkamadda sarre soo galay hoolka Dacwadaha ee Maxkamadda Distooriga ah ayaa waxa uu markiiba gudo-galay Shaacinta Go´aankii ay ku soo aruuriyeen Dhagaysiga dacwada labada garab ee ku muran-sannaa Sharciyada amaba hogaaminta Xisbiga UCID, inkastoo dhagaysiga Go´aanka kama dambaysta ah ee Maxkamaddu uu dib u dhacay mudo hal Saac iyo badh ah.
Waxay maxakamadu Go’aaamisay maanta oo ay Taariikhdu tahay 11 Bishii sagalaada 2011 in uu Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal cali waraabe muddo saddex bilaad ahna lagu qabto shir waynihii xisbiga.
Xarunta guud ee Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyey, waxaana afarta dhinacba la soo dhoobay Ciiddamada booliska, kuwaasoo oo joojinaayey Dad iyo Gaadiid labada, isla markaana waxa amar lagu siiyey inaanay cidna u soo dayn Waddooyinka ag-mara Maxkamadda sarre, hase yeeshee waxa xarunta Maxkamadda Distooriga ah iyaguna soo gaadhay Boqolaal dadweyne oo u dhegtaagaayey Go´aanka kama dambaysta ah ee Maxkamaddu soo saaraysay, kuwaasoo ay dhaqdhaqaaqooda aad ula socdeen Ciidanka Booliska oo si aad ah u feejignaa, isla markaana ammar u haystay in cidii ay Awaamiirtooda ka hor imaada ay Xabsiga u taxaabaan.
Hoolka ay ka socotay Dhagaysiga Go´aanka kama dambaysta ah ee lagu soo afjareeyey khilaafkii u dhaxeeyey Hogaanka Xisbiga UCID ayaa waxa fadhiyey labada Garab ee iyagu isku hayay Sharciyada Xisbiga UCID oo ay kala hogaaminayeen Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) iyo Aadan Mirre Waqaf, isla markaana waxa kale oo Dhagaysiga go´aankaas lagu soo casuumay Qareenada ay labada garab kala wateen oo Madashaas joob-joog ka ahaa, kuwaasoo sugaayey Natiijada kama dambaysta ah ee Maxkamadda Distooriga ah, waxa kale oo Madashaas ka soo qayb-galay Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland.
Maxkamda ayaa aad u daganayd intii ay socotay dacwadani iyadoo ay jabaqda hadalk la ilaalinayay wax Rabshad ahina aany halkaasi ka dhicin iyadoo ay ciidamada Police-ka ay goobta isku soo gedaamed iyadoo ay ilaalinayeen in halkaas rabshadi ka dhacdo kadib ku dhawaaqida Go’aanka maxkamada sare.
Maakhir Media Hargaysa.
