|

Gudiga Abaaraha Somaliland oo soo Bandhigay Daraasaad ay ku sameyeen Gobolada Dalka+Sawiro+Dhagayso

Play

Hargaysa-(MMedia)-kulan saxafeed ay qabteen gudiga Abaaraha somaliland iyadoo ay Daraasaad ay sameeyeen ay kusoo gudbiyeen iyagooo ay usoo bandhigeen dawlada waxaana ya ka war bixyeen sida ay daraasadka uga sameeyeen Gobolada Dalka.

Waxaa goob joog ka ahaa madaxwayne ku xigeenka Somaaliland C/raxmaan saylici wasiirka qorshaynta wasiirka diinta iyo awqaafta iyo dhamaan haayadaha QM iyo Haayada afooyinka ee somaaliland ,waxaa kaloo ay soo bandhigeen daraasaadka ay ka sameeyeen Gobolada dalka iyagoo u kuur galay xaalada abaaraha ee ka jirta Gobolada khaasatan dhanka bari .

Waxay shegeen markii ay daraasaadka soo bandhigeen in ay QM ay ka codsadeen in ay wax ka qabato xaaladaha iminka ka taagan Somaliland isago usoo bandhigay dhibaatada ay la kulmaan dadkaasi.

Madaxwyane ku xigeenka ahna gudoomiyaha Gudiga abaaraha somaliland ayaa sheegay in ay xaalada Gobolada ay tahay mid intabadan ay sameeyeen abaaraha iminka jira waxaa uu sheegay in markii aan u kuur galay xaalada dadkaasi ay nosoo baxday 35% ay saameeyeen dhanka bari ee Gobolada Somaliland iyadoo uu sheegay in anay la md ahaynt tan koofur ka jirta balse ay ka duwan tahay.

waa markii ugu horaysay oo ay Soo bandhigaan gudiga abaaraha Somaaliland daraasaad noocan oo kale.

Mahamed Farah Comaade

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed