|

Sanadguurada 10aad ee 9/11 oo Lagu Xusayo Dalka Maraykanka oo Dhan

Newyork(MMedia) Mareykanka ayaa xusaya sanadguurada tobonnaad ee ka soo wareegtay weerarradii 11 September, oo ay ku dhinteen in ku dhaw saddex kun oo qof, taasi oo sababtay in Madaxweyne George Bush waxa uu ugu yeeray dagaalka argagaxisada.

Goobtoo qaraxyadu ka dhaceen Magaalada New York oo ahayd daarihii xaruntii ganacsiga adduunka waxaa socod ku maraya ciidamada booliiska iyo dadkii dab damiska ahaa.

Wareysi uu siiyay telefishinka National Geographic, Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush waxa uu sheegay in dhacdooyinkii maalintaasi 11 september inay degdeg wax uga bedeshay madaxtinimadiisii.

Dhinaca kale qof bam isku soo xiray oo Taliban ah ayaa weeraray saldhig ciidamada NATO ay ku leeyihiin Afghanistan gobolka dhinaca bartamaha ku yaal ee Wardak, halkaasi oo laba qof ay ku dhimatay, in ka badan boqol qofna ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo u badan ciidamada Mareykanka.

Weerarka ayaa yimid saacado ka hor iyadoo Mareykanku xusayo sanadguurada 10aad ee weeraradii Mareykanka.

Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacay magaalada Jabul ayaa danjiraha Mareykanka, Ryan Crocker, waxa uu sheegay in ciidamada Mareykanku ay u joogaan Afghanistan inay ka hortagaan weerarao mustaqbalka ka dhaca Mareykanka.

Maakhir Media London

Comments are closed