|

Ahlu suna “Waan soo dhawaynaynaa Dagaaalkii Galkacayo”

Galkacayo-(MMedia)-Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna warsaxaafadeed ay soo saareen oo ay ku sixiixan yihiin in ka badan 30 ruux waxaa ay ku sheegeen in ay soo dhoweynayaan dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo horaantii bishan, isla markaana dagaalkaasi waxay ku sifeeyeen mid u dhaxeeyay dowladda Puntland iyo maleeshiyo taabacsan Alshabaab sida ay ku qeexeen warsaxaafadeedkooda.

Waxay sidoo kale Culimadaasi warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in ay hayaan cadeymo in Shabaab lagula dagaalamayo xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in ay hayaan qaar ka mid ah codad ku saabsan arimahaasi oo ka baxay idaacado ku yaala Muqdisho iyo Kismaayo.

Dhinaca kale Culimada Ahlusuna Waljameeca qeybo ka mid ah waxay shir ku qabteen hotelka Kaah ee magaalada Gaalkacyo oo ku yaala xaafada Garsoor kana mid ahaa hoteeladii khasaaraha ba’ani uu ka soo gaaray dagaalkii xaafada Garsoor lagu qaaday bilowgii bishan September.

Culimadu waxay cambaareeyeen war saxaafadeedka lagu sheegay in Alshabaab ay ka dagaalamayso xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo caddeeyay in aysan Shabaab joogin Garsoor isla markaana aysan shaqo ku lahayn dagaalka ka dhacay xaafadaasi, waxayna sidoo kale sheegeen in warsaxaafadeedkaasi uu ahaa mid looga been abuuranayo Culimada isla markaana Culimada ku sixiixan aysan fikirkaasi qabin.

Kala aragti duwanaanshaha Culimada Ahlusuna Waljameeca ayaa soo banaanbaxay kadib markii iyagoo kala fikir duwan ay ka hadleen Idaacadaha Caalamka sida VOA, waxaana khilaafka soo kala dhexgalay Ahlusuna laga dareemayaa gudaha magaalada Gaalkacyo kadib markii qeyb ka mid ah ay sheegeen in dagaalka Puntland ee xaafada Garsoor uu ahaa mid lagu qaadey beel halka kuwa kalena ay sheegeen in lala dagaalamay Alshabaab.

Libaan Cajiib Xaaji.

Maakhir Media Galkacayo

Comments are closed