|

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkacayo University (GU) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maantay soo gaaray magaalada gaalkacyo+Sawiro

Galkacayo-(MMedia)-Dr. Maxamed Axmed Wehliye oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay waxa ay soo gaareen magaalada gaalkacyo iyagoo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dr. Maxamed Axmed Wehliye iyo wafdiga la socday arimaha ay u yimaadeen magaalada Galkacyo ayaa waxa ay tahay in ay ka qeyb qaataan horumarinta waxbarshada deegaanada Galmudug gaar ahaan Jaamacadda Galkayo University (GU).

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) intii uu joogay magaalada Nairobi waxa uu ku howlanaa arimo badan oo laf dhabar u ah horumarka Jaamacadda Galkayo University (GU), waxaana arimahaasi ka mid ahaa: Qalabkii wax lagu baran lahaa ee Laabka iyo diyaarin macalimiin taqasusaad u leh kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Galkayo University (GU).

Dhinaca kale Dr. Maxamed Axmed Wehliye waxa uu ka mid dhaqaatiirtii dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxii Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna arimo caafimaad u joogay Dalka Boqortooyada Saudi Arabia.

Ugu danbeyntii wafdigan uu horkacayay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. Maxamed Axmed Wehliye waxaa airporka Magaalada Galkacyo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin farabadan oo uu ka mid yahay Hormuudka Jaamacadda Galkayo University (GU) Pro. C/qaadir Maxamed Shirwac,Yaasiin Sheikh Cali Naaleeye iyo Cumar Cali Wehliye.

Libaan Cajin Xaaji

Maakhir Media Galkacayo

Comments are closed