Xukuumadda Ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo ku dhawaaqday wadahadalo inay u furayso Al-shabaab
Hargaysa-(MMedia)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali oo BBC-da kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in DKMG ah ay wadahadallo la furayso Xarakada Al-shabaab isagoo ku xiray shuruud ah inay hubka dhigaan.
Dr C/weli Gaas oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalaya shir looga hadlayo abaaraha ku dhuftay dalalka bariga Afrika ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay wadahadallo la furaan Al-shabaab, isagoo sheegay in dowlad ahaan ay qorsahaha ugu jirto sidii ay dalka oo dhan nabad ugu soo dabbaali lahaayeen.
“Waxaa jira calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayaan inay billaabaan wadahadal ay la furaan dowladda KMG ah, innaguna waxaan rajeynaynaa inaan la hadalno,” ayuu yiri C/weli Gaas.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay dhowr jeer oo hore kula taliyeen Al-shabaab oo inta badan ka talisa Soomaaliya inay soo fariistaan miiska wadahadalka si looga gudbo dhibaatada jirta, isagoo xusay in dhankooda ay ka dabacday arrinta.
“Haddii ay hubka dhigaan oo ay doortaan nabadda iyo inay kusoo biiraan dowladda waan soo dhaweynaynaa,” ayuu mar kale yiri, iyadoo aysan jirin weli wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo inta badan Muqdisho ka baxday bishii hore. Inkastoo dhowr jeer oo hore ay diideen inay la hadlaan dowladda KMG ah.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ah in lagu xoojiyo AMISOM, si ay u suurogasho sida uu sheegay in goobaha Al-shabaab ay ka taliso la gaarsiiyo gargaarka bani’aadamnimo.
Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka talisaa degmooyinka Muqdisho intooda badan, halka ay Xarakada Al-shabaab ka taliso gobollada ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyo degmooyin ka tirsan Muqdisho.
Dhinaca kalena Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud ayaa dowladda KMG Soomaaliya ku eedeeyay in gar-gaarka Caalamka uu ugu talagalay Soomaaliya ay ku koobeen oo kaliya Xerooyinka barakacayaasha ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Iyadoo mudooyinkii dambe Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ay kasoo daganayeen Diyaarado gar-gaar oo ka imaanayay wadama Caalamka oo loogu talagalay qoysaska ku dhibaataysan dalka islamarkaana dowladda ay gaarsiinaysay deeqdaasi qaar ka mid ah Xerooyinka ku yaalla Muqdisho ayaa arimahaasi waxaa eedeeyay Mas’uuliyiinta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.
Maakhir Media Muqdisho
