|

Wasiirka Arimiha Gudaha Ee cusub oo xilkii la wareegay iyo saxaafada Madaxabanaan oo loo diiday qaarna la xidhay_Sawiro+Dhagayso

Play

Hargaysa-(MMedia)-Xafalada xil wareejinta waxaa goob jog ka ahaa dhamaan waxyaha ay ka kooban tahay  wasaarada Arimaha Gudaha iyo qayb kamida saxaaafada madax banan ,kadib waxaa la guda galay  xil wareejintii iyadoo ay halkaasi qudbad ka jeediyeen dhamaan masuuliyiintii halkaasi joogtay.

Waxaa goobta ka hadlay  wasiirka cusub Mr Duur isagoo dhamaan dadkii kasoo qayb galay uga mahad naqay uguna baaqay in ay  la shaqeeyaan waxaa kaloo uu shegay in uu wax ka badali doono siyaasada isagoo tilmaamay in uu dhagaysan doono talooyinka wax ku ool ka ah ee ay usoo jediyaan cidkasta oo tala haysaa .

Dhanka kale intii anay bilaabmin xaflada xilwareejinta ayaa waxaa inta badan saxaafadii madax banaanayd loo diiday in ay kasoo qayb  gasho xafladaasi iyadoo ay ciidanka SPU oo meesha loo keenay in ay amaanka sugaan iyo Agaasimaha Maamulka wasarada Mr Dube oo diiday  in ay saxaafadu soo caga dhigato goobta xil wareejnta.

Waxaa sidoo kale sharci daro ah lagu xidhay wariye ka tirsanaa Wargayska Waaheen Kaasi oo lagu magacaabo Saleebaan cabdi Cali (Kalshaale) ,iyadoo qar kamid saxaafad kamaradii laga jabiyay .

Saxaafada ayaa goobta kawada buuxday markii ay dhacaysay xidhitaanka iyo jabinta iyado anay awoodin in ay ka reebaan salabeen oo aykaxaystee Askarta SPU sidoo kalena aanay sharci ahaan ku xidhin lama oga sababaha lagu xidhay kal shale .

Isku so wada duubo waxa inta badan dhacda in ay askarta kala kulmaan tacadiyo ka dhan ah  iyadoo ay hada ka hor dawlada Somaaliland ay sheegtay in  anaay wax tacadiya u gaysanayn Warbaahinta khaasatan wariyayaasha .

Maakhir Media Hargaysa

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed