|

Dab Qabsaday Warshada Furaashaanta Ee Bosaso

Bosaso-(MMedia)-Waxaa dab xoogan maanta duhurnimadii uu ka kacay xarunta warashada Isbuunyada ee Diiriye xarunteeda magalada boosaso.

dabka oo geystay qasaare maaliyadeed ayaa la cadeyn ilaa iyo imika inta ay dhantahay waxaana gudaha warashada ku gubtay Joodariyaasha jiifka oo farabadan.

Ciidamda Gurmadka dab damiska ayaa soo gaadhay goobta dabka ka kacay halkaasi oo ay ka bilaaben howlgalkooda dab damiska ah,balse dab warashada ka kacay ayaa ahaa mid ka baaxad weyn dab damiska shaqeynayay.

Duqa boosaso Xasan Cabdala ayaa soo gaadhay meesha dabka ka kacay waxaana uu sheegay in ay gesteen wax kasta oo looga hortagayo dabkan kacay dawlada hoose ay u gashay gurmad xoogan.

Ugu danbeytiina maaha markii ugu horeysay oo dab noocan ah uu ka kaco Boosaso,waxaana marar kala duwan dabka ka kacay xeryaha barakacyasha,dakada boosaso iyo goobo ganacsi oo yaal boosaso

Raxanreeb

Maakhir Media Bosaso

Comments are closed