Markab siday Xoolo kala duwan oo ay Burcad weerartay iyo Khasaare ka dhashay
Wararka ayaa Sheegaya in Kooxda Burcadbadeedu damacday in ay afduubtaan Marakabka oo lagu magacaabo Tiba-2 Halima si ay ugu qabsadaan Maraakiibta gooshaya Xeebaha fog fog,Markabka ayaa wadey Xoolo gaaray 4.000 oo neef oo ari ah,wuxuuna kasoo qaaday Dekedda Bosaso.
Ciidamada Badda dalka Cumaan iyo Kooxdii Burcadbadeeda ahayd ayaa waxaa dhexmaray Iska horimaad,waxaana ku dhintay laba kamid ah Shaqaalihii Markabka oo u ku jiro Kabtankii Markabka,kuwaas oo u wada dhashay dalka Hindiya,dhinaca Kooxdii Burcadbadeeda ahayd ka dhintay mid kamid iyadoona intii kalena la qabtay.
Sidoo kale waxay wararka ka imaanaya dalkaasi Cumaan ay sheegayaan in Shaqaalihi Markabka ayaa 7-kamid ah ay yihiin dhaawac kuwaas oo ku jira Cisbitaal kuyaala dalka Cumaan oo lagula tacaalayo Xaaladooda Caafimaad.
Burcada ayaa waxay badashay dhamaan Taatikadii ay ku dulaan tagi jirtay iyadoo ubadashay in ay maraakiibta kusoo afduubato doonyaha xamuulka ah ee uraarn Somaliya iyadoo ay qabsadaan kadibana ku raadsadaan hadba markabkii ay afduubtaa iyadoo ayna sidayaan doonta marki ay dana hooda ku dhamaystaan.
markii hore waxay maraakibta kusoo qabsan jiireen laashash nooca dheereya ah kuwaasi oo ay ku tagi jireen meel ka baxsan xeebaha Somaaliya taasina waxay keeni jirtay yaab ay ka yabaan aduunaka intiisa kale ,taasi oo waliba lagu macneeyay in aanay kuwani ahayn burcad oo ay yihiin wax kale.
Maakhir Media Cumaan

