|

Gudoomiyayaasha Barlamanka Puntland iyo Somaliland Oo ka Qayb galaya Doorashada Goloha deganka Oslo

Oslo-(MMedia)-Dowladda Norway ayaa dalkeeda ku casuuntay wufuud caalami ah oo ka kala socota dhowr dowladood kuwaas oo qeyb ka noqonaya ilaalada doorashooyinka Golaha Deegaanka Oslo ee lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Oslo 11-12 ka bishan aynu ku jirno ee Sebtember.
Wufuudan caalamiga ah ayaa waxaa ka mid ah wakiilo ka socda baarlamaanada Somaliland iyo Puntland, waana wafdiga kaliya ee laga casuumay qaaradda Afrika guud ahaan.
Waxaa kala hogaaminayay wufuudan Somaliland iyo Puntland ka socda gudoomiyayaasha baarlamaanka oo kala ah: Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Mr. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mr. C/rashiid Maxamed Xirsi.
Mudada ay joogaan wufuudan dalka Norway ayaa waxaa ay qaadan doonaan koorasyo kala duwan kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iwm.
Waxa ay sidoo kale labadan wafdi la kulmi doonaan jaaliyada ay ka soo kala heedaa ee Somaliland iyo Puntland kuwaas oo ku dhaqan caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Garoonka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wufuudan Faadumo Cali Madar oo ah musharaxad u taagan Golaha Deegaanka Oslo iyo Mr. Shuceyb oo isna ka mid ah dhalinyarada fir-fircoon ee magaalada Oslo.
Waa markii ugu horeysay oo wufuud ceynkan oo kale ah oo ka socda Puntaland iyo Somaliland kuwaas oo lagu casuumo doorashooyinka dalka Norway.
Maakhir Media Oslo

Comments are closed