|

Shirkii looga hadlayay Abaaraha Somaaliya oo maanta mar kale ka furmi doona Nayrobi

Nairobi-(MMedia)-Iyadoo shalay Magaalada Nairobi uu ka furmay shirka looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa hadana maanta waxaa lagu wadaa in uu maalintiisa labaad halkaasi ka dhaco, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mas’uuliyiin kale sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Wafdiga ka qeyb qaadanaya shirkaasi.

Shirka ayaa waxaa lagu soo waramyaa inay ka qeyb galayaan Madax ka socota wadamada Afrika kuwaasi oo dhamaantooda kawada hadalaya sidii looga ciribtiri lahaa abaaraha baahsan ee ka taagan gobolada dalka Soomaaliya.

Somaaliya ayaa waxaa aafaysay abaar aad u daran iyadoo ay dad badani macaluul l jiifaan gidaarada iyo xeryaha qaxootiga qaarna lagaga soo tagay halkii ay ka yimaadeen.hadaba shirkan laykugu tagay ma noqon doonoo mid dhaqaale iyo wax qabad dadkaasi loogu soo ururiyo mise waxa uu noqon doonaa hadal meel yaal oo kale.

Maakhir Media Nairobi

Comments are closed