|

Tanzania “Somaliya waxaan Gaynaynaa Gargaar

Muqdisho-(MMedia)-dalka Tanzania ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan gar-gaarka ka yimid dowladda Tanzania oo loogu talagalay qoysaska ku dhibaataysan Soomaaliya.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania C/xakiin Ugaas Cali Yaasiin ayaa warbaahinta u sheegay in maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho uu kusoo wajahan yahay gar-gaar ka imaanaya dowladaasi oo loogu talagalay dadka dhibaataysan ee ay abaaruhu saaameeyeen kuwaasi oo uu sheegay inay ka kooban yihiin Raashiin iyo biyo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania ayaa waxaa uu sheegay in maalintii shalay, Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladdaasi uu isugu yeeray dhamaan Safiirada dowladaha Caalamka u fadhiya dalkaasi kuwaasi oo uu kala hadlay qaabka ugu wanaagsan ee loo gar-gaarki karo dadka shacabka ah ee ku dhibaataysan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

C/xakiin Ugaas Cali Yaasiin ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kala hadlay dhigiisa Tanzania sida lagu joojin karo dhibaatooyinka dadka Soomaalida ah ay kala kulmaan dalkaasi islamarkaana laga saaro Xabsiyada, wuxuuna sheegay in dowladda Tanzania ay balan qaaday in sharciyo ay siin doonto dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalkeeda hase ahaatee Safiirka waxaa uu sheegay in Tanzania ay culees ku tahay in dalkeeda si sharci la’aan ah loogu gudbo wadamada kale ee Afrika.

Tanzania ayaa waxa ay horey gar-gaar usoo gaarsiisay dadka kusoo barakacaya Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ka muuqato xaalado nolol xumo, waxaana wafdi ka socda dowladdaasi oo yimid Muqdisho uu balan qaaday in dowladda Tanzania ay garab taagan tahay qoysaska ku dhibaataysan Gabi ahaanba dadka abaaruhu ku saamaysay Dalka Somaaliya.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed