Beesha Samaroon oo Isku Khilaafsan Cidii Buuxin Lahayd Ugaaska Beesha
Hargaysa(MMedia) Wax dhib ahi nama dhex yaallaan haddii aan nahay Salaadiinta Samarroon, laakiin dad baa buun buuninaya fikradaha kala duwan ee aan kala qabno. Kaftankana dee dad baan nahayoo waan isku leenahay, wixii la is qoonsadana waan iska raalli gelinaynaa’. Sidaa waxa yidhi Suldaan ka mid ah salaadiinta reer Adal.
Mar aan xog waraysi la yeelannay dadwenaha ay arrintani khusayso waxa ay noo sheegeen in aanay bulshadu waxba ku kala qaybsanayn, ee ay meelaha qaar uun ka maqlayaan in ay jiraan dad ka horjeeda soo dhaweynta Ugaaska. Waxanan ogaannay in aanay jirin qabiilooyin uu khilaafkoodu gaadhsiisan yahay gacan ka hadal.
Warsaxaafadeed goor dhaweyd laga sii daayey TVga Somali Channal ayaa isna ahaa mid la yimid dareen cusub, waxa raggii meesha ka hadlay (oo dhammaanba ahaa shakhsiyaadka aadka uga soo horjeeda in uu Ugaasku dalkiisa yimaaddo), ay sheegeen in ay dhibi dhacayso, oo loo baahan yahay in beelaha kale ee Somaliland ay arrintan ka soo gurmadaan, sidii bay yidhaahdeen hore looga gurman jiray wixii dhib dadka ka kala dhex dhaca. Sidoo kale mas’uul ka mid ah dadka war saxaafadeedkaa ka hadlayey, ayaa eed dusha uga tuuray madaxda xisbiga Kulmiye, oo uu ku tilmaamay in ay qas ka wadaan gobolka Awdal. Taasi oo uu sheegay in ay Ugaaska iyagu ka dambeeyaan. Laakiin mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa laga sugayaa in ay arrintaa kaga jawaabaan sida sharciga ah.
Dhinaca saxaafadda ayaa iyana ah mid ku mashquulsan xaalad abuur iyo iska horkeen bulshada ah, waxa ay qorayaal badani gacmahooda ku daalinayaan in ay qabiil iyo shakhsi cay ku tartamaan. Waxa kale oo la is weydiinayaa cidda ka dambaysa warsaxaafadeedka ay ka muuqdaan siyaasiyiinta sharciga dalka hoggaaminaysay.
Dhex dhexaadintii ay culumadu wadday ayaa iyana meesha ka baxday, kaddib markii ay dhinaca Ugaaska soo dhaweyntiisa diyaarsatay ay ku adkaysteen in aanay wada hadal diyaar u ahayn inta ka horreysa soo dhaweynta, laakiin marka uu Ugaasku yimaaddo uun wixii dood ah la geli karo.
Hase yeeshee, odayada diiddan ee doodda ka qaba imashada Ugaaska ayaa iyagu immiga u eg kuwo xeerinaya midnimada bulshada, waxa laga yaabaa in ay dooddooda u dhigtaan, marka uu Ugaasku yimaaddo
Dhinaca kale waxa jira Xildhibaano ka tirsan Guurtida Iyo Baarlamaanka Somaliland ayaa aratiyo ka dhiibtay ismariwaaga ka dhextaagan Beesha Samaroon
Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Beelaha Maxamed-Case iyo habar Carfaan ee Beesha Samaroon, waxa ay sidoo kale ka digeen Xiisad Nabad-gelyo daro iyo gacan ka hadal ay sheegeen inay ka dhalan karto Ugaaskan cusub ee Caleemo saarkiisa Gobolka laga Abaabulayo, kaasoo ay sheegeen inay wadato Beel kaliya oo ka mid ah Beelaha Samaroon.
Sidaasi waxa ay ku sheegeen Shir-jaraa’id oo shalay galabnimadii ay ku qabteen Magaalada Hargeysa, kaasoo ay Sidoo kale ku weerareen Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inuu arintan qas iyo Siyaasad geliyey, ugana digayaan inay arintaasi ugaaska Faraha kala baxaan oo aanay iska horkeenin Siyaasiyiinta Gobolkaasi ka soo jeeda iyo Bulshada.
Xildhibaan Xareed Aw Axmed oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee Gobolka Awdal oo shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay, in laga been abuuray Xildhibaanada Golayaasha Baarlamanka kaga jira Gobolka Awdal oo la sheegay inay Madaxweynaha dhawaan kala hadleen khilaafka ka dhashay Caleemo saarka Ugaaska lagu muransanyahay, waxaanu cadeeyay in aanay arintaasi waxba ka jirin.
“Maalin dhaweyd waxaa jaraa’idka lagu qoray in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka awdal iyo Madaxweynuhu kulmeen, markaa Anigu waxaan sheegayaa inaanay arintaasi jirin, hadii madaxweynaha cidi la kulantayna aanan u dhamayn, waxa kale oo aan leeyahay Hogaamiye Dhaqan oo loo wada dhanyahay ayaa loo baahan yahay ee aan ka wada tashano iyo maya ayaa laysku hayaa, markaa waxaan soo jeedinayaa arinkan inay siyaasiyiintu ka baxaan oo dhaqanka loo daayo, dhaqankuna Xeer iyo is afgarad ku dhameeyaan waxa laysku hayo” ayuu yidhi Xildhibaan Xareed.
Isagoo hadakiisa sii wata waxa uu yidhi “Dawlada waxaan leeyahay hadii cidi isqabato waa la dhexgalaa oo waxa la yidhaa maxaa laysku hayaaye, yaanay degdegin oo dhinac raacin, waayo waxa la yidhi balaayo daaman la qabto ayay leedahaye dabo la qabto malaha”
Xog-hayaha Guud ee Golaha Guurtida C/lahi Dheere oo ka mid ahaa xubnihii shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay qaabkii lagu dooran jiray Ugaaska iyo sababta ay ku diidan yihiin kan cusub ee hada sharaxan, isagoo dhinaca kale eedayn culus iyo digniin u soo jeediyay Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.
Waxaanu yidhi “Taariikh ahaan Gadabuursi saddex Maamul ayay kala raaceen wakhtigii isticmaarka, Ugaaskii berigaa jiray waxa uu raacay itoobiya oo Jinacsanay ayaa saldhig looga dhigay, ka dib Ugaaskii wuu dhintay, ka dibna waxa la doortay Inankiisii oo Rooble la odhan jiray, kaasoo ugu dambeeyay Ugaas Beesha Samaroon Doorato, isagana waxa Inqilaabay Inankiisii oo Doodi la odhan jiray, kaasoo markii dambe Suldaan laga dhigay, oo Itoobiya fadhiyay, hadana 1957 ayay Dawladii Ingiriisku tidhi Ugaas soo samaysta, ka dibna waa laysku waafaqi waayay muddo ka dib dhibaato badanbaana ka dhacday, ilaa markii dambe taarkan lagu joojinayo laga soo saaray laga soo saaray, Inankan iminka la wadaana Doorasho umaba Baahna oo waxa Heshiis Itoobiya la galay awoowgii oo berigaasi u wareegay”.
Hada iyadoo ay sidaasi tahay, iminka waxa nalagu celiyay 1957 wixii dhacay iyo dhibaatadii arintan ka dhalatay, ragbaa isu diyaarinaya inay soo dhaweeyaan ugaaska, rag kalena waxay isu diyaarinayaan inay ka hortaagaan, waayo waxay leeyihiin hadii aad soo dhaweynaysaan magaciina ku soo dhaweysta ileen Magaaladu waa garoon inaga dhexeeya oo maalinba ninkii doonaa ku ciyaaro laakiin magaciina ku soo dhaweysta, hadaad doonaysaan inaynu soo wada dhaweynana arinka Dhulka inoo dhiga oo aan ka wada tashanee, maya waan soo dhaweynayaa adiguna waad ila soo dhaweynaysaa hadii kale waan ku jiidhayaa ayaa ka socota meesha, waxaanan leenahay arintaas Xeer halaga samaysto ilaa inta meel laysla dhigayana hala joojiyo waxan socda, inankuna hanoo joogo dee meel inaga tegi maayee”.
Waxa uu sidoo kale Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay faraha kala baxaan khilaafkan ka dhex aloosan Beeshooda, hadii aanay si dhexdhexaadnimo ah oo ladqabo ah u gelayn, waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa qolyahan Kulmiye horta Odayaal waaweyn ayaad tihiin, hadii aad arinta dhexdhexaadin ka gelaysaan waxa qurux badnayd inaad labada dhinacba aragtaan, laakiin saaxiibkiin Samaroon ma metelo, Kabo shaaglahana cidi ma kaxayn karto oo dalka ayay wax ku leeyihiin, kii shalay Madaxweynaha ahaana sharcibuu Madaxweyne ku ahaa, kan maanta joogaana sharcibuu ku yahay, marba kii jooga in la taageerona dantayada ayaa ku jirta iyo danta Somaliland, kolkaa waxaan leeyahay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay ahayd inay Madaxweyne ku-xigeenkana waraysataan, oo ay isu geeyaan labada ninba, waayo waxa weeyaan hadii Nin kuu waramo ka kalena waa inaad waraysataa, markaasaad arinta gunteeda helaysaaye, laakiin Saaxiibkay ayaan la duumay aad iyo aad ayaanu uga Xumaanay, markaa waxaanu leenahay Madaxda Xisbiga Kulmiye Gadabuursi Ugaasyada uma sameeyaan ee hanala xushmeeyo”
Xildhibaan Mahdi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa isna si adag u qaadacay caleemo saarka Ugaaskan, isagoo ku dooday inaanay Beesha Gobolka talo ka yeelan Caleemo saarkiisa Ugaaskan, hase yeeshee beel kaliya oo ka mid ah qabaa’ilka beesha Samaroon ay wataan kaligood “Hadii Beesha samaroon Ugaas samaysanayso mid loo dhex yahay ha noqdo, laakiin anaga Ugaaska laga soo wado Itoobiya dani nooguma jirto, waxaanan leeyahay walaaleheena Masaakiinta ah yaan khilaaf laga dhex abuurin ee halaga shaqeeyo Danta umadda, arinkana waa arin dhaqan ee waa in Xeerkeedii la sameeyaa”
Xildhibaan Diini C/lahi oo ka tirsan Golaha guurtida ayaa isna dhiniciisa yidhi ” horta waxaan leeyahay Xildhibaanada Beesha Samaroon Maxamed Kaahin iyo Muuse biixi maaha, ileen madaxweynaha waxa u tagay labadoodaa iyo laba Nin oo kale, arintan kale ee lagu muransanyahayna waxaan leeyahay Ugaaska Samaroon iyadoo beesha oo dhami garbaha wada hayso ayaa la caleemo saari jiray, laakiin Ugaas tunka lagu sido annagu kuma jirno, waayo Ugaas reer wataa ugaas noqon maayo”.
Maakhir Media Hargaysa
