|

Faroole Iyo Saxaafada P/land waa Fidmo Abuurayaal(Faalo)

Faalo(MMedia) Geyiga Soomaaliya waxa ragaadiyay dagaalo sokeeyo oo aan dhamaad lahayn waxaanay shacabku u hamuun qabaan Nabad iyo xasilooni si ay nolol maalmeedkooda maareeyaan uguna soo noqdaan nolosha caadiga ah ee ay adaamha aduunkiisa inta kale ku nool yihiin oo kale

Hadaba P/lan waxay kla mida ahayd Maamulada loo aas aasay inay soo celiyaan kala danbaytii iyo baahiyaha aasaaiga ee Beelihii ku heshiiayay ay u dhisteen Maamulkaasi inkasto ay jirtay siro qarsoon oo loo aas aasaay P/land oo iminka aad moodo  inay soo if baxayaan.

Dagaalkii Galgala ayaa ilaa hada maaro loo la,yahay ka dib markii dadkii deegaanka lagu shaanbadeeyay inay yihiin alshabaab waana caqabad ugu wayn ee maanta Faroole hortaagan waxaana dhawaan la sheegay in wada hadal u socda waxaana isla markiiba soo baxaday in rag ka agdhow Faroole caqabad ku noqdeen waan waantii Galgala iyagoo ka dhiganay inay noqoto Mashruuc aan aan u baahanayn in lasoo afjaro

Maamulka Faroole halkii laga filayay wax qabad waxa uu la soo baxay tabo cusub oo ah waxanu dagaal kula jiranaa Budhcad badeed iyo Argagaxiso isagoo ku raadinaya inuu dhaqaale ku helo dadka uu ku shanabadaynayaana waa dadkii u igmaday inuu isbedela la yimaado isaguna waxaabu ka dhigtay mashruuc uu debadaha kual wareego qolooyinbaan dagaal kula jiraa isoo dhiib dhiiba

Hadii aynu yara jaleecno dhibaatadii naxdint alahayd ee ka dhacdaymagaalda Gaalkacyo waxa masuuliyeedeeda lahaa Maamulka Faroole oo Xaafad ka mida Xaafdaha Gaalkacyo hadh cad weeraar ku qaaday iyagoo ku tilmaamay inay yihiin Argagaxiso Alshabaaba waxaanay gala bixiyeen weeraro isdaba jooga oo socday laba maalmood waxanay kala kulmeen iska cabin xoogan oo ay kala horyimaadeen beeshii xaqdarda lagu weeraray

Beesha leelkase oo ka mida Beelaha wax ka taagay Maamulka P/land ayaa cod dheer ku sheegay inaanay ka mid ahayn Alshabaab iyo wax la halmaala toona weerar aanaan  filayna lagu soo qaaday iyaguna ay iska difaacayaan weerarkaas gardarada ah

Hadaba sida aynu la socono Saxaafadu waxay u adeegtaa shacabka Masaakiiinta ah waxaanay iftiimiyaan cid kastoo dulmi la damacda bushlo meel ku dhaqan waxaanay garabsiiyaan dulmanayaasha waxaanay ka dhiidhidaa in dhagar loo maleego shacabka

Sidaynu ka wada dheregsanahay Saxaafada ku hadasha Afka P/land ayaa kaga qayb gashay dagaalkii Garsoor mid qabiilaysan waxaanay ku raaceen Maamulka Faroole in Alshabaab Lala dirirayo waxaanay buun buuniyeen hadaladii deelqafka ahaa ee ay isticmaalayeen xubno ka tirsan Maamulka Faroole waxaanay indhaha ka laliyeen xaqiiqada meesha ka jirtay waxay kale oo aanay akhristayaashooda usoo bandhigin cadaymo sheegaya in Alshabaal la la dirirayo waayo saxaafadu waxay wax ka qortaa wixii ay cadaymo u hayso

Iminka waxa ka socda Magaalada Dadaalo lagu doonayo sidii loo sixi lahaa wixii sababay dagaalkii khasaaraha gaystay waxaana jooga ergooyin isaga kala yimi dhamaan gobolada P/land iyo kuwo ka baxsanba waxaana suxul duub loogu jiraa inaan mar danbe waxan oo kale ka dhicin deegaanada P/land waxaadse moodaa inaanay Maamulka Faroole iyo Saxaafada hoostagtaa taasi u cuntamayn waxaanay soo bandhigaa dad ay ku sheegeen inay yihiin Alshabaab lagana soo qabtay Xaafada Garsoor kuwaasoo ay soo bandhigtay Horseedmedia iyagoo leh waxay shirk u lahaayeen Xaasafad Garsoor oo Beesha degtaa hore u cadaysay inaanay alshabaab ahayn Magangelyona siinin Halkan guji sawirkada iyo warbixintaba

Ma la oran karaa waxay wararkan iyo Sawiradaniba  caqabad ku noqon karaan waan waanta laga wado Gaalkacyo oo Madaama hore Beesha Leelkase u cadaysay inaan Ashabaab ahayn iminkana lasoo bandhigay dad lalee yahay waa alshabaab Garsoor laga soo qabtay oo isugu jira Goldogob iyo Gobolada Koonfureed

Waxaase la gudboon Saxaafada Reer P/land inay iska ilaaliyaan wax alaale iyo wixii keni kara isku dhac ama kala fogayn karaa Beelaha walaalaha ee Xurguf yari dhexmartay hana ka fogaadaan inay u adeegaan qabiil iyagoo loo adeegsanayo qabiil kale

Maakhir Media Gaalkacyo

Comments are closed