|

Sarkaal kamid ahaa Al-Shabaab oo Puntland isu soo dhiibay

Sarkaal kasoo baxsaday Al-Shabab

Garowe-(MMedia)-Waxaa maanta lamaha amnigu ay soo bandhigeen sarkaal horey uga tirsanaan jirey Alshabaab oo sheegay in uu iskaga soo baxey kadib markii uu adkeysan waayey dhibaatada ay ku hayaan umadda Somaaliyeed.

Cabdirisaq Axmed Xirsi oo ka mid ahaa ragga maanta saxaafada loo soo bandhigay ayaa ku sheegay in ay qayb ka qaateen odayaasha dhaqanka ee beeshiisu kasoo baxsashada Alshabaab,waxana cafis u fidiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Waxana uu hadadlkiisa ku darey in markii uu ku biirayay aanay cidna u yeerin iminkana uu iskii uga soo baxay ,waxa akaloo uu sheegay in uu kasoo tagay  iyaga oo u baahan islamrkaasina uu ahaa masuulka dacwada u qaabilsan Alshabaab gobolada Banaadir iyo Jubada hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii dawladda Puntland ay shaacisey in ay soo dhaweyneyso cid kasta oo ka mid ah kooxaha  Al shabaab  iyo kuwa la marin habaabiyeyba,doonayana in ay dib ugu soo biiraan mujtamacoodi iyo bulshadii ay, iyadoo sidoo kalena maanta ay Puntland soo bandhigtay  Maxaabis laga qabatay dagaalkii Gaalkacayo kuwaasi oo k tirsanaa alshaab.

Maakhir Media Garowe

Comments are closed