|

Mid kamida xildhibanada Barlamanka Puntland oo la xidhay iyo Eheladisa oo Bayaan kaso baxay

Danood-(MMedia)- Bayaan kasoo baxay odayaasha iyo aqoonyahanada beesha Ali Ibrahim (reer Bicidyahan) waxay cobasho ka muujiyeen dawlada Puntland oo ay sheegeen in ay ku guuldaraysteen in ay ka hadlaan xadhiga xildhibaan Xasabn xaange oo 17 bishan ciidamada ethiopia ay ku xidheen deegaanka Qaloocan ee gobolka Wardheer iyada oo ilaa hada uu ku xidhanyahay magaalada Danood

inkabadan 50 aqoonyahano iyo wax garad ka tirsan beesha reer biciidyahan ayaa tvga somalichannel soo gaadhsiiyey bayaan ay kaga cabanayaa wax ka qabasho la,aanta xildhibaan xasan xaange oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee punltland kaasi oo hawlo shaqo u tagay deegaanka ismaamulka somalilada itoobiya.

geesta kale mar aan wax ka waydiinay xukuumada puntland xadhiga xildhibaan xasan xaange ayey noo xaqiijiyeen xadhiga xildhibaan xasan xaange waxayna noo sheegeen in ay xidhiidh kala yeesheen masuuliyiinta qunsuliyada itoobiya ee garoowe lana wado siidaynta xildhibaanka.

xadhiga xildhaanka ayaa ku soo beegmaya xili uu sii hagaagayey xidhiidhka u dhexeeya maamul goboleedka puntland iyo dawlada itoobiya iyagoo iska kaashada dhinacyada amaanka iyo horumarka labada dhinac.

waxaase marar badan dhaca in la xidho xildhibaano ka tirsan dawlada somalia hasayeeshee waa falkii ugu horeyey oo lagu xidho masuul ka soo jeeda deegaamada punltand.

Maakhir Media Danood

Comments are closed