Shir Lagaga Hadlayo Abaaraha Ka jira Soomaaliya Iyo Sidii Xal Loogu Helilahaa oo Ka Furmaya Nairobi Maanta
Nairobi(MMedia) Magaalada Nairobi waxa ku furmaya shir lagaga hadlayo abaaraha soo noq noqonaya sidii xal loogu heli lahaa iyadoo iminkana ay tahay meesha abaartu la degtay oo Macaluul iyo gaajo darina ay ka jirtaa ay tahay Soomaaliya waxaana Qaramada Midoobay ay sheegeen inay Gobolo hor leh ay ku sii fidayso abaartu oo laga yaabo inay sababto gaajo iyo nafaqo daro ku dhacda Caruurta
R/wasaaraha Kenya Rail Odenga ayaa furaya shirkaas labada maalmood ka soconaya Magaalada Nairobi waxaanuu ku saabsan yahay abaaraha ka jira Gobolka Geeska afrika ee soo noqnoqonaya shirkana waxa ka qayb gelayaa Madaxweynayaal,Hayadaha Qaramada Midoobay iyo Wakiilo ka socda wadamo doora oo ka tirsan dalalka iyo Ururada deeqaha bixiya
Dadka indha indheeya ayaa arimaha soomaaliya ayaa carabaabay inaanu shirku noqonin mid uun hadal keliya laga siidaaye laakiin loo baahan yahay sidii xal loogu heli lahaa abaarahan soo noqnoqoya loona waji lihii ka hortegisteeda waxa kale oo shirka laga soo sheegayaa inaanu ahayn mid dhaqaale lagu uruurinayo waxaase afkaar laysku waydaarasanayaa ka hortegista abaaraha
Si hadaba isbedel wayn ooo macno leh looga sameeyo gudaha Soomaaliya oo ah halku ugu way nee manta dhibaatada culuse ee abaartu ka jirto waxaana xalka koowaad noqonayaa in xal nabadeed marka hore loo helo Soomaaliya waxana diirada lasaari doonaa sidii Nabad looga islaaxin lahaa geyiga Soomaaliya waxaanay lee yihiin dadka siyaasada soomaaliya dhaliilayaa Siyaasiyiinta Soomaaliya loogama baran inay xalkeenaan.
Maakhir Media Nairobi
