|

Wadigii Shirka wadatashiga ka qayb galay ee puntland oo Garowe Soo Gaadhay

Garowe-(MMedia)-Wafdigii shirka wada tashigaa ka qayb galay ayaa soo gaadhay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

wafdigan ayaa isugu jiray wasiiro iyo Baarlamanka puntland ,markii ay Garoonka Dityaaradaha ee magalada Garowe ay kasoo degeen ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyin ka tirsan Puntland iyo  Qayba kamida Bulshada .

Wasiirka Waxbarashada ee puntland

Cabdi Farax Siciid Juxaa oo Hogaaminayey Wafdigaan ayaa ka Warbixiyey Shirkii iyo wixii uu ku soo Dhamaaday waxaana uu sheegay in uu jawi wanaagsan kusoo xirmay iyadoo si wanaagsan la isula meel dhigay Qodabada shirka, waxaa kaloo uu sheegay juxaa in Xubnaha puntland ay Hormuud ka ahaayeen Shirkaas ,

Juxaa ayaa sheegay in Dooda ugu Badan ay ahayd Dhimista Xubnaha Baarlamaanka & Habka loo soo Xulayo waxaana la isla Qatay Shir kale in lagu dhamaystiro.

Juxaa ayaa xusay in shirka looga arinsandoono Dastuurka lagu Qabandoono  GaroweBisha Oct

Madaxweynaha Puntland ayaa ku Tilmamay shirkaas in uu Guul u yahay Guud ahaan soomalida Gaar ahaan Reer Puntland

Madaxweyne Farole ayaa  sheegay in loo Bahanyahay in puntland  u Diyaargarowdo Shirarka soo socda ee Garowe lagu wado in lagu Qabandoono.

Shirkan oo kiisa labaad lagu qaban doono magalaada Garowe ee caasimada puntland Taasi oo  ay shegeen masuuliyinta qaban qaabada shirka iyadoo sidoo kalena ay isku af garteen labada madaxwayne waa faroole iyo shariifka.

Maakhir Media Garowe

Comments are closed