|

Agaasimaha Guud W/Waxbarshada S/land oo Dagaal Gacan Qaad ahi Dhexmaray G/xigeenka Hayada shaqaalaha S/land

Hargaysa(MMedia) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Xasan iyo Koox ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Shaqaalaha oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adaasi Axmed Cali Xirsi(Sulub) oo Kormeer ku marayay Wasaaradaha Xukuumadda ayaa shalay isku dhacay kadib markii ay isku afgaran waayeen qaabka ay Hay’adaasi wax u Kormeerayso.
sida ay Waaheen u sheegeen dad goob joog ahi waxa uu muranku ka dhashay Amar uu guddoomiye ku-xigeenka Hay’aada Shaqaaluhu Amray wariyayaal ka socday Telefishanka Qaranku inay Kamarad ka duubaan isagoo xafiiskiisa fadhiya taas oo uu Agaasimuhuna ka codsaday inay ka joojiyaan oo ay u sheegaan hawsha ay u socdaan balse ay ku sii adkaysteen wariyayaashii inay filimkooda sii wataan.
Agaasimaha Guud oo ka cadhooday talaabadaasi ayaa inta uu soo kacay wariyayaashii iyo Guddoomiyihiiba Kamaradii iyo Mobiladii ay siteen inta uu ka faramaroojiyay dhulka kaga tuuray. taasoo ay masuuliyiintii Hay’adda Shaqaalaha iyo Suxufiyiintiiba ka xanaaqeen.
hase yeeshee waxa markii danbe arrintooda soo dhex galay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali kaasoo ay cabasho ugu tageen masuuliyiintii Hay’adda Shaqaaluhu, waxa kale oo wasaaradda soo gaadhay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Feysal Cali Sheekh oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda Idaacadda Radio Hargeysa kuwaasoo markii danbe dhameeyay dhibaatadii iyo khilaafkii labad dhinac dhex maray.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda shaqaalaha oo markii ay ka soo baxeen wadahadalka lagu dhexdhexaadinayay Suxufiyiin madax banaan oo wasaaradda tagay la hadaalay ayaa u sheegay inay dhamaysteen oo la xaliyay khilaafkii dhex maray labadooda dhinac
wasaaraddaha kale ee ay shalay Kormeereen Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaaluhu waxa ay kala ahaayeen wasaaradda Beeraha, Macdanta iyo Biyaha, wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Xanaanada Xoolaha, wasaaradda Dibu-dajinta, wasaaradda Qorshaynta. waxaanu Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaaluhu markay Kormeerkooda dhameeyeen Saxaafadda u sheegay Ujeedadiisu inay ahayd dar-dar galinta Shaqaalaha Dawladda, isagoo u mahadnaqay masuuliyiintii iyo shaqaalihii ay kula kulmeen Xafiisyadooda.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed