Farmaajo”Waan soo dhawaynayaa Shirka wada Tashiga Somaaliya+Dahagayso
Podcast: Play in new window | Download
Hargaysa-(MMedia)-Ra’isul-wasarihii hore ee dalka soomaaliya mudane Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo) ayaa soo dhaweeyay shirka wadatashiga soomaaliya oo maalintii shalay kusoo dhamaaday magaalada muqdisho ,wuxuuna ku tilmaamay farmaajo shirka mid dani ugu jirta shacabka soomaaliyeed lagana filan karo in dib wadanka soomaalya uga dhalato dowlada wadaag loo wada dhan yahay.
Farmaajo oo waraysi siiyay radio muqdisho ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada wadanka soomaaliya uu marayowuxuuna sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto nabadgalyada iyo u gar gaarida dadka abaartu hayso ,isagoona Dowlada KGM Soomaaliya ku tilmaamay inay tahay mid wax badan ka badali karta inta u dhiman dalka soomaliya wuxuuna amaanay dowlada KGMS uu madaxwaynaha ka yahay Shariif sida ay wax badan uga qabatay magalada muqdisho.
Ugu dayntii Mudane Farjaamo oo ku sugan wadanka Marayka ayaa ciidanka xooda dalka soomaliya iyo shacabka kula dar daarmay inay ka shaqaystaan amaankooda isla markasna ay gacanta kusoo dhigeen cid walba oo kasooa horjeeda nabadgalyada iyo wada noolaanshaha shacabka.
shirka wadatashiga Soomaaliya qodobadii laga soo saaray ay ka mid ahaa dowlada wadaag Dhamaystirka Tasduurka, Amniga loo saaray gudiga kasoo dooda ,iyadoo wajigiisa labaad shirkaasi lagu qaban doono magaalada garoowe caasimada Puntland.
Maakhir Media Network
