Wafdi Ka Kala Socday OIC Iyo WGO oo Muqdisho Soo gaadhay
Muqdisho-(MMedia)-Wafigaani ayaa ka soo degay garoonka caalamiga ee magaalada Muqdisho waxa uu ka kala socday urur weynaha Islaamka iyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WGO waxaa si diirsan wafdigaasi u soo dhaweeyay xubno ka tirsan gollaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid yahay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda.
Dhinaca wafdiga ka yimid ururka Islaamka ee OIC ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha xog-yaha ururkaasi Aka Manaa Bakiit, waxaa garoonka diyaaradaha warbaahinta qaranka kula hadlay R/wasaare ku xigen ahna wasiirka arriamaha dibadda Maxamed Maxmuud Xaaji Ibraahim waxa uuna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiim imaanshada wafdigaasi ururka OIC ka socdaay isagoo sheegay in ay la kulmi doonaan madaxda dalka ugu sareeysa.
Sidoo kale kaaliyaha xog-yaha ururka Islaamka oo isna hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya u yimaadeen in ay muujiyaan halka ay gaarsiisan tahay taageerada ay u hayaan waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka taakuleeyn doonaan dhan dhaqaalaha iyo wax walbo ay uga baahdaan OIC.
Dhinaca kale wafdiga isna ka socday hay’adda caafimaadka aduunka ayaa waxaa hor kacayay Dr. C/raxmaan Shuweelim oo ah taliyaha xog-hayaha WGO waxaa soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya mudane C/casiis Shiikh Yuusuf.
Sidoo kale waxaa garoonka kula hadlay warbaahinta qaranka wasiirka iyo la taliyaha WOG wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku soo dhaweenayaan wafdigaani hay’adda caafimaadka aduunka ka socdo waxa uu tilmaamay in ay dalka yimaadeen xilli looga baahan yahay in la ogaado caafimaad darrada ka jirta.
Dhinaca kale Dr. C/raxmaan Shuweelim ayaa dhankisa tibaaxay in ay doonayaan ka qayb qaadashada gargaarka Soomaaliya ka socda maadaama dalka ay abaaro ka jiraan sidaa owgeedna ay doonayaan in gacan ka gestaan arrimaha caafimaadka.
wufuud aad u tirabadan ayaa kusoo qul qulaya wufuud badan iyadoo ay u kuur galayaan xaalada Abaareed iyo mida caafimaad iyadoo sidoo kale ay doonaayaan inay caawiyaan
Maakhir Media Network.
