|

Madaxweynihii Hore C/laahi Yuusuf Oo Soo Dhoweeyey Shirkii Wadatashiga(Dhageyso)

Play

Yeman-(MMedia)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo dhoweeyey shirkii Wadatashiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu shirkaasi ku tilmaamay in uu aad uga wanaagsanaa Shirarkii kale ee lagu qaban jirey dalalka Soomaaliya deriska la,ah.

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay in shirkani lagu qabtay magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan islamarkaana loo baahanyahay in Waxyaabihii lagu heshiiyey la meermariyo ka hor inta aan lagaarin waqtiga lagu ballamay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Soomaalida waqtigan laga doonayo inay u istaagaan sidii ay uga bixi lahaayeen KMGka oo mudo badan ay ku soo jireen taana ay ku imaan karto kaliya Midnimo iyo Iskuduubni.

Mar uu sidoo kale soo hadal qaaday waxyaabaha hada muhiimka ah ee loo baahanyahay meel marintooda oo qeyb ka aheyd shirkii Wadatashiga Soomaalida ee Muqdisho lagu qabtay ayuu tilmaamay in mida koobaad ay tahay yareynta Xildhibaanada Baarlamaanka ee 550ka gaaraya taasi oo uu ku taliyey in laga dhigo hadii ay suurtogal tahay 123 Xildhibaan tiradaasi oo ah tirada Baarlamaankii ay Soomaaliya lahayd ka hor Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha U naxariistee  Maxamed Siyaad Barre.

Ugu dambeyntii waxa uu baaq u diray Shacbiga Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay si wadajir ah uga shaqeeyaan aayahooda kana fogaadaan qabyaaladda.

Radio Muqdisho

Maakhir Media Network

Comments are closed