Kooxo Hubeysan Oo Rasasa Sababatay Dhimasho iyo Dhaawac Ku Furay Gaari Marayay Konfurta Gaalkcyo
Gaalkacyo(MMedia) Inta La Ogyhay 2 Ruux ayaa ku geeriyootay 3 kalne dhaawac ayaa soo
Gaaray kadib markii Kooxo hubeysan ayaaa rasasa ku
fureen Gaari ay Saarnaayeen Kooxo Ka Tirsan Burcad Badeeda Soomaaliya
kaasi oo Marayay halka Lagu Magacaabo Hobyo One ee Magaalada Gaalkcyo
Gaar ahan Dhinaceeda Konfureed \
Dhimashada 2 Ruux ayaa ka Dambeysay kadib markii kooxada la rasaaseyay
ay Gaari ka soo dhaceyn Gudaha Magaalada \
Saddax qof ee dhaawac soo gaaray ayaa la sheegayaa in loola cararay
isbitaalka konfured ee Magaalada Gaalkcyo halkaasi oo lagu dhabiibayo
xaaladoda caafimaada
Kooxdii Falkaasi Geesatay ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta ay
isaga carareen mana cadda halka ay u baxsadeen
Dhacdaasi kadib ayaa goobta wax aa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa
maamulka galmudug kuwaasi oo bilaabay howgal ay ku baadigoobayaan
kooxihii ka dambeyyay
Xaalada Magaalada Ayaa hadda dagana ma jirto wax war ah oo ka soo
baxay maamulka galmudug oo ku aadan falkaasi
Weriye Liibaan Cajiib Xaaji
Maakhir Media Gaalkacyo
