Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan-yahay ee ka qayb-galka siyaasadda
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0171/092011 ku Magacaabay Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan-yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobada 8aad, 22aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada
Somaliland
Markuu Arkay: Talada Golaha Guurtida JSL, ee ku suntan Ref: GG/JSL/52/032011 kuna taariikhaysan 19/02/2011, ee nuxurkiisu yahay in guddi midaysan oo ka kooban saddexda Gole (xukuumadda, wakiilada iyo Guurtida) loo saaro arrinta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda,
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo sugitaanka xuquuqda siyaasadeed ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay,
Markuu Aqoonsaday: In ay haweenku yihiin hal-bawlaha bulshada iyo muhiimada ay u
leeyihiin horu-marinta qaranka.
Wuxuu go’aansaday Madaxweynuhu
In uu Magacaabo Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda, Gudidaas oo ka kooban 9 xubnood, oo kala ah:
- 1. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
- 2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha &
Dalkxiiska
- 3. Cali Cabdi Saa’iq Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, G & Gaadiidka
- 4. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere)
- 5. Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
- 6. Xil. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
- 7. Xil. Muxumed Aw Axmed X. Aadan
- 8. Amaal Axmed Miisaan, La Taliyaha Madaxweyne ee Arrimaha Haweenka
- 9. Axmed Muxumed Madar, Gudoomiyaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa
iyo Ilaalinta Dawlad Wanaaga
Hadaba, marka aad deristaan ka dib waxan idiinka rajaynaya in aad ii soo gudbisaan tala dhaxal-gal ah oo Golayaasha Qaranku ku go’aan qaadan karaan, iyadoo la waafajin doono shuruucda dalka.
Waxaan jecelahay in aad kusoo dhamaysaan muddo 3 toddobaad.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Maakhir Media Hargaysa
