Xiisad Dagaal oo Laga Dareemayo Tuulada Basra ee Shabeelaha Hoose
Muqdisho(MMedia) Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Basra ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay shalay dhaawac iyo dhac ka gaysteen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Xiisadaani dagaal iyo dhaq dhaqaaqyadaani ciidan ayaa waxa ay u dhaxaysaa Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad ku sugan deegaanka Basra halkaasi oo galinkii dambe ee shalay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay ka gaysteen dhawac iyo dhac baahsan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in saakay aysan wanaagsaneyn xaaladda deegaanka Basra, waxanaa ay sheegeen in Maleeshiyaad hubaysan ay wadaan abaabul ay ku doonayaan inay kaga hortagaan Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in deegaanka Basra uu ka bilaawday barakac ballaaran oo ay samaynayaan dadkii ku sugnaa halkaasi oo ka baqdin qaba in halkaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad ku hubaysan deegaankaasi oo diidan falalka Al Shabaab ay kula kacayaan dadka ku dhaqan halkaasi oo u badan xoolo dhaqato iyo beeralay.
Shalay ayay aheyd markii Al Shabaab deegaanka Basra ee gobolka Sh/hoose ay ka qaateen ilaa 8-Matoor oo ah nuuca lagu waraabiyo beeraha, iyadoo aan la’ogayn halka uu ku dambeyn doono xaaladda daagaankaasi oo ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan Al Shabaab iyo Maleeshiyaad deegaanka ah.
Maakhir Media Muqdisho
