Wararkii Ugu Danbeeyay ee Nabadaynta Magaalada Gaalkacyo DHagayso+Sawiro
Podcast: Play in new window | Download
Gaalkacyo(MMedia) Iyadoo Magaalada gaalkacyo ay maalmahan ka socdeen dadaalo nabadeed oo
lagu doonayo in lagu xaliyo dhibaatooyinkii a dhashay dagaaladii
magaalada gaalacyo ayaa guddiga dhex dhexaadinta ee xiisadahan waxay
gabal gaabkii maanta ku guulaysteen in ay bartamaha Magaalada ka
qaadaan ISbaarooyin dhawr ah oo kala xirtayay koonfurta galbeed iyo
qaybaha kale ee magaalada Gaalkacyo kuwaas oo ka askumay dagaaladii
magaalada ka dhacay.
Guddiga Nabadaynta Gaalkacyo ayaa maanta ku guulaystay in ay qaadaan
Isbaarooyinkan oo yaalay bartamaha laamiga magaalada gaalkacyo,
islamaraana sabab u ahaa Xirnaashaha suuqa weyn ee Magaalada, barakaca
dad badan oo magaalada ka baxay iyo Wel welka ay bulshadu ka qabeen in
dagaaladii
Guddiga dhex dhexaadinta oo ku guulaystay qaadida Isbaarooyinki
magaalada ka dhacay ay dib u soo cusboonaadaan, waxayna Odayaashu ku
guulaysteen in ay gabi ahaanba qaadaan Isbaarooyinkaasi islamarkaana
ay soo celiyaan kalsoonidii nabadgalyada Muujinaysay ee Bulshada
Magaalada Gaalacyo.
Inastoo Guddigani ay dadaal badani ku bixiyeen soo celinta xasiloonida
guud hadana waxaa muuqata rajada weyn ee laga qabo in dadaalkani uu
soo afjaro xiisadii dagaal ee magaalada a taagnayd islamarkaana
wadahadal lagu dhex dhexaadiyo dhinacyadii ay dagaaladu dhaxeeyeen.
Ergada dhex dhexaadinta iyo Ismada gobolkan Mudug oo ku guulaystay
xallinta qayb ka mid ah mushaakilaadkii magalaada ka taagnaa ayaa
hadal ka jeediyeen goobti isbaarada laga qaaday oo ay boqolaal qof oo
ka mid ah dadweynaha Magaaladan Gaalkacyo isugu yimaadeen Waxaana
hadalii ugu horeeyay Jeediyay Garaad Maxamuud Cilmi Shirac oo ka mid
ah guddiga dhex dhexaadinta halka sidoo kalana u khudbad uu jeediyay
dadaalkan ku amaanay Ugaas Maxaxmed Cali oo ah Ugaaska Beesha
Leelkase.
Liibaan cajiib Xaaji
Maakhir Media Gaalkacyo
