|

Ergooyinka nabadeed oo guda galay raadinta xalka nabadeed ee magaalada Gaalkacyo

Galkacayo(MMedia)-Ergooyinka nabadeed ee soo gaarey magaalada Gaalkacyo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxay guda galeen u kala dab qaadista dhinacyada dagaalku ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo. Ergooyinku waxay maanta si toos ah uguda galeen in ay la kulmaan Waxgaradka

Beesha Leelkase iyo dhinaca kale Mas’uuliyiinta Xukuumada Puntland ka joogta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qorshayaasha ay ergadu wado ayaa waxay yihiin in laga xaalo wixii dhib ah ee dhacay isla markaana laga gudbo colaad sokeeye oo markale ka dhacda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulanka maanta ay ergadu la qaadatay dhinacyada Gaalkacyo dagaalku ku dhexmaray ayaa waxay ahaayeen kulamo aan saxaafada loogu talo galin, waxaase wararku sheegayaan in aysan shirarkaasi wax natiijo ah weli ka soo bixin.

Libaan Cajib  xaaji

Maakhir Media Galkacayo.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed