|

Beesha Majeerteen Oo Beenisay in ay ka qeyb qaateen Dagaalkii ka dhacay Gaalkcyo Dhageyso

Play

Dhageyso  Codadka wasiirka Amniga Puntland iyo Nabadoonka

Gaalkacayo-(MMedia)- Kulan beeshu ay maanta ku yeelatay Hoolka shirarka xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Magaalada gaalkacyo ayaa waxay ka soo saareen bayaan ay beeshu isaga fogaysay ku lug lahaanshaha dagaaladii magaaladan gaalkacyo ka dhacay ee khasaaraha faraha badan gaystay.


Kulankan oo ay fadhiyeen Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Majeerteen waxay ka soo saareen bayaan ka qooban qodobo farabadan oo ay qaarkood isaga fogaynayaan ku luglahaanshaha dagaaladii gaalkacyo iyo qodobo kale oo ay ku jireen kuwo ku salaysan baaqyada ay beeshu ka jeedinayso xiisadaha wali magaaladan gaalkacyo ka taagan.

Qaar ka mid ah Odyaashaa ayaa warbaahinta la hadlay

Maamulka Puntlnd oo Ugu Baaqay dadkii ka barakacay Gaalkcyo iyo ay dib ugu soo laabraan Guryahooda dhagaeyso

Wasiirka Aminga Maamulka Puntlnd Khaliif Ciise mudan oo Maanta shir Jaaid ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntlnd ayaa ugu baaqay Qoysaskii ka barakacay magaalada muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan madaama uu xusay in xaalka Gaalkcyo ay dagantahay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hadda ay socodaan dadaalo xoogan oo ay wadaan odayaasha gobolka mudug kaasi oo looga hadlayo sidii loo xalin lahaa dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkcyo

isagoona raja wanaagasan ka muujiyay in lagu guuleysto dadaalada laga dhax wado labada dhinac.

Liibaan cajiib xaaji

Maakhir Media Gaalkacayo.

Webmaster@maakhir.net

Comments are closed