|

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Ku qancay qodobadii shirka kasoo baxay

Muqdisho-(MMedia)-Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa rajo wanaagsan in qodobo wax ku Owal ah ay ka soo bixi doonaan shirka wada tashiga ee mudda saddexda maalin ka socda magaalada Maqdisho.

Madaxweynaha maaulka Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamuud (Faroole)ayaa sheegay shirkaan uu yahay mid laga dhaxli doono nabad iyo dowlad wanaagsan si looga gudbo marxalada KMG ah oo in muddo ah lagu hoggaaminayay dalka.

Faroole ayaa hoosta ka xariiqay in uu rajo wanaagsan ka qabo in mira wax dhal ah in ay ka soo bixi doonaan SHIRKAisagoo ugu baaqay ergada shirka ka soo qayb gashay in ay sida ugu wanaagsan ay ku go’aamiyaan musyaqbalka dalka.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caallin ayaa dhankiisa shegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu shir Soomaali ay leedahay uga soo qayb galo magaalada Muqdisho oo ammaan ah waxa uu intaa raaciyay in shirkan looga bixi doono dhibaatooyin ay ka mid yihii abaaraha, ammaan darrada iyo KMG.

Madaxweynahayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka mid ah ergada ka soo qayb gashay waxa ayna shalay heshiis ku gaareen madasha shirka kaasi oo ku aadan in la is cafiyo islamarkaana la wada shaqeeyo.

Radio Muqdisho.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed