Shirkii wada Tashiga Somaliyeed oo maanta soo Gaba gaboobay
Muqdisho-(MMedia)-Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah loo soo gabagabeeyo wajiga hore ee shirka wada rashiga ee maalmahan magaalada Muqdisho.
Shirka wada tashiga oo mudoo laba maalin ka soocday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta us oo xirmo wajigiisa hore iyadoo shirka looga doodday arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin qabyo qoraalka Dastuurka dalka, dowladda wanaagga, iyo marxalada KMG ah sidii looga gudbi lahaa.
Xarunta gollaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socda qaban qaabo aad u xooggan oo ku aadan in maanta waxyaabihii shirka looga hadlay laga soo saaro war-murtiyeed kaasi oo ka hadlay dhammaan arrimaha shirka wada tashiga lagu lafa guray.
Maakhir Media Muqdisho.
