Qodobo Horleh oo Ka Soo BAxay Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed+Sawiro
Muqdisho(MMedia) Shirka Wada tashiga Arrimaha Soomaaliya ayaa wajigiisa labaad galabta la soo gaba gabeeyay, iyadoo shirka maanta heshiis lagu dhex dhigay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhowaan khilaaf soo kala dhex galay kadib dagaalo dad fara badan ku daatay oo ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.
Wada hadalo ay garwadeen ka ahaayeen Ergeyga Qaramada Midoobey Mahiga, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo wada jir ahaa.
Labada dhinac ayaa heshiis la dhex dhigay, kaasoo ku qotoma in xal laga gaaro dhibaatadii ka dhacday Waqooyiga Galkacyo.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay goobta ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha Muqdisho ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in meel la iska dhigo tuhunka jira, waxaa uu tilmaamay in dhankiisa balan qaadayo sidii Maamulka Galmudug kala kaashan lahaa xasilinta Magaalada iyo Gobolkaba.
Faroole ayaa sheegay inay sii wadi doonaan xiriirka inuu taagnaado, isla markaana meel looga soo wad hor-jeesto waxa uu ugu yeeray kuwa ammaan darada iyo fidnada ka wada Gobolka , ayna ka wada shaqeyn doonaan nabada iyo amniga Galkacyo sida uu yiri.
Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa dhankiisa soo dhoweeyay heshiiska, isla markaana ay ka hortagi doonaan dadka dhibaatada wada, isla markaana ay iska gacan siin doonaan is dhaafsiga xogta ah, iyo sida looga hortagi lahaa kuwa amni darada wada, waxaana uu sheegay inay isku sheegi doonaan xogta kuwa dhibaatada wada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inuu taageersan yahay in shirkan fursad u noqdo in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ay ugu faa’ideystaan inay isu keenaan, isla markaana meesha ka saaraan.’
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa sheegay in fursad fiican uu u yahay shirka wada tashiga, isla markaana lagu abuurayo jawi Soomaaliya Qaranimadeeda iyo sharafteeda lagu soo celinayo.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiray is afgaran waa yar oo sababay dagaal dhimasho iyo dhaawac dhaliyay, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in Maamulada Galmudug iyo Puntland ka heshiiyeen ka hor inta aysan Muqdisho imaan, isagoo tilmaamay in Beesha Caalamka ay ka taageereyso dhinacyada la dagaalanka Argagixisada iyo Burcad badeedka.
Dhinaca kale Waxaa gudiyo laga soo saaray shirkii wada tashiga ee maanta wajigiisa labaad la soo gaba gabeeyay, waxaana la magacaabay afar gudi ka soo tala bixiya qodobada loogu tala galay inay falan qeeyaan ee ku aadan qorshe howleedka la wajahayo marka uu dhamaado xilliga KMG ah.
Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jahweyn ayaa sheegay in Afar Gudi oo kala ah Gudiga Dib u Heshiisiinta, Gudiga Ammaanka, Gudiga Dowlad wanaaga iyo Gudiga Diyaarinta Dastuurka lagu magacaabay shirka maanta.
Maalinta berri ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka wada tashiga, ee maanta lagu qabtay Xarunta Xalane, waxaana shirka maanta uu ahaa mid ka duwanaa kii shalay oo ay ka qeyb galeen Wafuud Caalami ah.
War murtiyeed ayaa la filayaa inay ka soo saaraan Ergada ka qeyb galeysa shirka, kaasoo noqon doona go’aan dhaxal gal ah oo horay loogu sii ambaqaado howlaha horyaala Dowladda mudada sanadka ee lagu wajahayo qorshe howleedka
Maakhikr Media Muqdisho
