Isbitaalka Konfurta Gaalkcyo Oo Howlihiisa shaqa istaagtay
Gaalkacayo-(MMedia)-Sida ay xaqiijiyeen Maamulaha isbitaalka guud ee Koonfurta Gaalkacyo Dr. Maxamed Aadam ayaa sheegay in isbitaalka uu xirmayo sidaasna ay ku soo wargelisay hay’ada MSF Holland oo gacanta ku heysay isbitaalka.
Agaasimaha Guud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hay’ada lagu wargeliyey in isbitaalkii waqooyiga Gaalkacyo la bililiqeystay isla markaana laga cabsi qabo in isbitaalka koonfurta sidoo kale la bililiqeysto.
Warar aan ka helnay shaqaalaha isbitaalka ayaa sheegaya in shalay magaalada dhexdeeda lagu daadiyey waraaqo loogu digayo hay’ada MSF Holland iyo shaqaalaha isbitaalka, kuwaasoo aan la ogeyn cida ka dambeysa.
Dhaawacyadii ku jiray isbitaalka oo u badnaa dadkii rayidka ahaa ee ku soo dhaawacmay dagaalkii xaafada Garsoor ay ku qaadeen ciidanka Puntland ayaa illaa xalay laga saaray. Waxaana wararka qaarna ay sheegayaan in dhaawacyada qaarkood loo duuliyey magaalada Nairobi halka dhaawacyada intii fududeydna loo qaaday isbitaalka weyn ee Galdogob.
Xiritaanka isbitaalka guud ee koonfurta Gaalkacyo ayaa saameyn weyn ku yeelatay dadka ku nool magaalada Gaalkacyo, waxaana jira dad fara badan oo bukaano ah oo isbitaalka ka heli jiray dawweyn kuwaasoo haatan wixii ka dambeeya aan heli doonin daryeel caafimaad.
Waxaa jira dadaalo ay wadaan odayaasha deegaanka iyo waxgarad kuwaasoo xiriiro la sameynaya hay’ada MSF Holland si ay ugu qanciyaan in ugu yaraan isbitaalka uu sii shaqeeyo oo aysan ka qaadan qalabka caafimaad taasoo aan la ogeyn in lagu guuleysan doono.
Wariye Libaan
Maakhir Media Gaalkacayo.
